Waxaa xalay si rasmi ah u bilowday wareegga Labaad ee tartan Cilmiyeed Ramadaan oo ay Warbaahinta Qaranka u qabaneyso bisha Ramadaan degmooyinka Dalka ayadoo tartankana ay sanadkan taabagelineyso Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.
Wareegga Labaad ee tartanka ayaa waxaa usoo gudbay 16 degmo oo iyagu ka kala tirsan degmooyinka dalkeenna waxaana degmooyinka wareegga labaad usoo gudbay ay kala yihiin,
Goldogob,Qardho,Garoowe,Baydhabo,Wadajir,Howladaag,Dayniile,Gaalkacyo,Dhuusamareeb,Boondheere,Xamarweyne,Hodan,Dharkeenleey,Kaaraan,Jawiil iyo degmada Afgooye.
Tartankii ugu horeeyey ee wareegga Labaad waxa uu xalay dhexmaray tartamayaasha degmooyinka Goldogob VS Qardho oo ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Barri ayadoo tartamayaasha labada degmana ay soo bandhigeen tartan aad u adag waxaana sidoo kale barnaamijka qeyb ka ahaa xubnihii isbarashada degmooyinka iyo Su’aasha ay habeen walba abaalmarinnada ku bixiso shirkadda barnaamijka taabagelineysa ee Hormuud Telecom.
Hadaba natiijada tartankii xalay dhexmaray tartamayaasha degmooyinka Goldogob VS Qardho ayaa noqotay sidan:-
Goldogob
Tartamayaasha degmada Goldogob ee gobolka Mudug su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Seddex ka mid ah,Afar su’aalna jawaabahooda wey haleeli waayeen,si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Qardho waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Goldogob ee gobolka Mudug ay noqdeen Sideed Dhibcood.
Qardho
Iyana dhankooda Tartamayaasha degmada Qardho su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Afar ka mid ah,Seddex Su’aalna jawaabahooda wey haleeli waayeen,si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha degmada Goldogob waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Qardho ay noqdeen Toban Dhibcood ay ku adkaadeen.
Tartamayaasha degmada Qardho ee gobolka Bari ayaa noqonaya tartamayaashii ugu horeeyey ee usoo gudba Wareegga Seddexaad ee tartanka waxaana barnaamijka tartan cilmiyeedka Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka haduu Alle idmo caawa ku tartami doona tartamayaasha degmooyinka Garoowe VS Baydhabo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Tartanka Ramadaan 05-August-2012 Goldogob VS Qardho
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Tartanka Ramadaan 05-August-2012 Goldogob VS Qardho
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Seedexaad Ee Tartanka Ramadaan 05-August-2012 Goldogob VS Qardho
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
↧
Wareegga Labaad Ee Tartan Cilmiyeedka Ramadaan Oo Bilowday Iyo Tartamayaasha Degmada Qardho Oo Guul Gaaray”Dhageyso”
↧