Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Maanta Oo Kale Sanad Kadib Xornimadii 6-August Ee Muqdisho Maxaa Caasimadda Iska Bedeley?..FAALLO+SAWIRRO

$
0
0

Mahad oo dhan waxey u sugnaatay Alle Subxaanu Watacaalaa.
Waxey aheyd subaxnimo sabti ah taariikhduna waxey ku beegneyd 06-August-2011 xili dambe ayaan subaxaas habeenkeedii ku gaaray shaqo marki aan isku dayey inaan seexdo waxaan ka seexan waayey telefoonno si isdaba joog ah iisoo wacay,dadka ugu badan ee isoo wacayna xiligaas waxey joogeen Muqdisho waxaana qof walba marka aan telefoonka ka qabto uu hadalkiisa ku bilaabayey “Hambalyo” taasi oo durbaba igu dhalisay inaanan la iiga hormarin isbedellada caasimadda ka curtay aragtidooda.
Markii aan soo baxnay inagoo koox ah oo ka wada tirsan Warbaahinta Qaranka waxaan wadooyinka magaalada buux dhaafiyey dad si koox koox ah u socda,dadkaasi badankood nala mid ayey ahaayeen oo waxaa hankoodu ahaa iney soo arkaan deegaanno aanay mudo indhahoodu qaban oo isugu jiray kuwo lagu dagaalamayey iyo deegaanno ay Maleeshiyada Al-Shabaab/Al-Qaeda ku sugnaayeen.
Qof walba oo ka mid ah dadkaas iskusoo baxay wuxuu kuu sheegayaa in magaalada xorowday oo la helay xornimo laakiinse Xornimadaasi kuma aysan imaan baryo oo dad baa dhiigooda u huray.
Waxba yaanan ku dheeraan maalintaas sida ay xaaladu aheyd ee aan guda galo dulucda qormada oo aan ku eegayo isbedellada Caasimadda ku yimid mudada sanadka ah ee kasoo wareegatay xornimadii 06-Augost.
Hotel Global oo dagaalada ku Bur Buray

Bur Bur ay Shabaabku u geysteen Derbiga Garoonka Ex Luujino

Muuqaallada ugu horeeya ee aan doorbadiday inaan qormadan ku bilaabo ayaa ah muuqaallo ka turjumaya sidaa xiligaas ay xaalada Xamar aheyd waxaana muuqaalka ugu dambeeya uu yahay garoonka Coonis Stadium ee degmada C/casiis ayadoo sawirkanna aan kasoo qaaday 06-August-2011.
Ayadoo hadaba burburka baaxadaas le’eg uu jiray ayaa dadka reer Muqdisho waxey durba usoo jeesteen iney dhistaan amaba dayac tirtaan guryahooda,noloshiina waxey si tartiib tartiib ah ugusoo laabaneysay si caadi ah oo dadku waxey bilaabeen iney is dhexgalaan.

Muuqaalkaan waa Seddex bilood kadib muuqaalkii hore ee garoonka Coonis Stadium waxaana uu muujinayaa isbedelka nololeed ee durba bilowday taasi oo ka tarjumeysa baahida bulshadu ay u qabtay nabadda ayadoo muuqaallada kalena ay ka turjumayaan isbedellada kale ee magaalada durbaba ku yimid sida Waxbarashada iyo barnaamijyo dhalinyarrada niyadooda lagu dhisayey.






Dadweynaha magaalada waxey sidoo kale bilaabeen iney xaafad xaafad iyo degmo degmo isku abaabulaan ayaga oo nadiifsanaya deegaankooda taasi oo ka duwan wixii ay Maleeshiyada Al-Shabaab/Al-Qaeda dadka ku qasbi jireen oo ah iney dhulkooda burburiyaan sida muuqaalladan hoose ka muuqata.


Nolosha soo laabatay mudadan sanadka ah waxey aheyd mid habeen iyo maalinba ay mirihii Xornimo dadka noloshooda ka muuqatay sida ku cad muuqaalladan hoose oo xiliyada habeenkii ah aynu caasimadda kasoo qaadnay.





Guud ahaanba dadka Soomaaliyeed wey wada qirayaan in magaalada Muqdisho isbedello dhanka hormarka ahi ay ka jiraan oo taasi ma jirto cid shaki gelin karta waloow dhismayaasha soo saaray bilicda magaalada ay isugu jiraan laba qeybood oo kala ah qeyb dadkii lahaa ay dayac tirteen iyo qeyb ay Dowladdu dib u dhis ku sameysay taasi oo ah dhismayaasha danta guud.




 


Muuqaalladan waxey ka turjumayaan isbedellada dhismo ee magaalada ku yimid durbaba waloow ay iyana xusid mudantahay in dadka qurba joogta ahi ay door muuqda ku leeyihiin horumarrada dhismo ee caasimadda ka jira.
Magaalada waxaa dib ugusoo laabtay dad badan oo iyagu isugu jiray kuwo gudaha dalka barakac ku ahaa iyo dad dalka dibaddiisa qaxootinimo ugu noolaa hadii aysan xornimada 06-August jirteenna dadkaas soo ma aysan soo laabteen waayo soo laabashadooda kadib si xornimo leh ayey ugu damaashadayeen dalkooda si gaar ahna goobaha ay dadku u damaashaad tagaan oo xeebta Liido ay ka mid tahay.

Hooyo Caasho Waxay In Mudo Ah Ku Nooleyd Qurbaha Gaar Ahaan UK Waxaana ay Maanta ka mid aheyd dadkii Xeebta Liido Usoo Damaashaad Tagay,Ayadoo Ilmeyneysa Ayey Alle Uga Mahad Celineysaa Nimcada Uu Nagu Maneystay




Ka sokoow in Muqdisho ay dib u dhis sameyso dadkii sanadaha ka maqnaana ay dib ugusoo laabtaan waxaa xusid mudan in sidoo kale Xornimadaasi ay horseeday in wufuud caalami ah ay ku dhiiradaan iney yimaadaan magaalada Muqdisho islamarkaana shirarkii quseeyey aayaha Dalkeenna ee dibadda lagu qaban jiray Muqdisho lagu qabto sida muuqaalladan hoose ka muuqata.


Muqdisho waxaa sidoo kale laga hirgeliyey dhismayaasha goobo loogu talagalay dalxiiska waxaana dhismayaashaasi u badan hoteello ay dhisteen ganacsato Soomaaliyeed.



Magaallada waxaa sidoo kale si xowli ah uga bilowday ilaa hadana ka socda hirgelinta mashaariic hormarineed oo isugu jira kuwo ay Dowladdu fulineyso ayadoo la kaashaneysa dowladdo ama hay’addo kale iyo mashaariic ay si toos ah iyana u fulinayaan dowladdo Soomaaliya saaxiibo dhow la ah.







Isbedellada Caasimadda Muqdisho ku yimid amaba waxa nolosha dadka reer Muqdisho iska bedelay mudadan sanadka ah ma ahan kuwo hal qormo amaba maqaal lagusoo koobi karo Warbaahinta gudaha iyo tan caalamkana maalin walbo waa ay ka hadlaan.
Balse waxaan doonayaa in qormadan aan ku muujiyo xornimada dhiigooda ay u hureen geesiyaal ka tirsanaa Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garab ka helayey ciidammada Midowga Afrika dadka shacabka ah ee Muqdisho ku nool kaalintooda kaga aadan iney Xornimadaas difaacdaan miyey kasoo baxeen?
Aragtiyann waxaa hubaan ah weli dadka shacabka ah ee Muqdisho ku nool ineysan kaalinta kaga aadan difaacidda Xornimadaas aysan kasoo dhalaalin waayo dadka intooda badan ma garansiisna in kuwa wax burburinaya ee argigixisada ah ay nolosha u diidan yihiin waxaana dhacda iney is tusaan qofka wax qarbudaya inuu Dowlad uun u socdo oo ammaankooda uusan u dan laheyn balse Alle quluubteenna haku weyneeyo micnaha wadaniyadda si aan u garano inaan leenahay hal dal.
By:-Abdifitah Dahir Jeite Radio Muqdisho Web Editor
Fadlan hadii aad qormadan ku aragtay qaladaad aragtidaada ama taladaada waxaad iigusoo diri kartaa Emailkeyga:- abdijeite@hotmail.com.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                             +442035190460
USA & CANADA                          +17124327760


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>