Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo Oo 30 Milyan U Yaboohay Carruurta Soomaaliya

$
0
0

Ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo oo ka mid ah ciyaaryahannada ugu caansan dunida islamarkaana u ciyaara kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ee ka mid ah kooxaha dalka Spain ayaa shaaciyey in olole uu dhaqaalle ugu ururinayey carruurta Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga dalka Kenya uu ka gaaray guul.
Cristiano Ronaldo oo ololahan dhaqaalle ururinta ah ku sameeyey bogga uu ku leeyahay Facebooka ayaa sheegay in ololihiisa oo qaatay mudo laba todobaad ah uu carruurta Soomaaliyeed ugu ururiyey dhaqaalle gaaraya 30-Milyan oo doolarka Mareykanka ah.
Muuqaal Video ah oo uusoo duubay Ciyaaryahankan Cristiano Ronaldo oo uu baahiyey Telefishinka afka carabiga ku hadla ee Al-Arabia ayuu Ronaldo ku yiri “aad waxaan u taageersanahay kaalmada loo uruurinayo carruurta Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga dalka Kenya waxaanna idiin leeyahay waan idinla jiraa,saameyntana waxey igu timid markii aan arkay codsi ay hay’adda badbaadada caruurta Save The Children ee fadhigeedu yahay dalka Britain kusoo codsatay lacag wax loogu qabanayo carruurta geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya,ayadoo saameyn kalena ay igusii yeelatay oo aan taageerayo heesta Hide Tide or Low Tide taasi oo micnaheedu yahay Mowjad Culus iyo Mowjad Yarba dhinacaaga ayaan ahay “
Heestan ayaa waxaa ku luqeeyo fanaanka reer Jamaica ee Bob Marley waxaana ay ku caanbaxday taakuleyntii dhaqaalle ee loo ururinayey gurmadka abaaraha sanadkii aynu kasoo gudubnay saameynta ku yeeshay gobolka geeska Afrika.
Lacagtan 30ka Milyan ee dollar oo uu ciyaaryahan Cristiano Ronaldo u uruuriyey carruurta Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ayaa waxaa loosoo marsiinayaa hay’adaha Q.M ayadoo yaboohanna aanu aheyn kii ugu horeeyey ee uu ciyaaryahankan u sameeyo dal muslim ah waxaana uu horey markii uu ku guuleystay xidigga kubadda cagta Aduunka yabooh dhaqaale ugu sameeyey dadka reer Falastiin.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                                                +442035190460
USA & CANADA                                             +17124327760


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>