Hargeysa (OWN)- Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siire) ayaa sheegay in sheegay in uu lacag baal marin ah siindoono raga cuna qaadka ee joojiya lacagtaas oo uu sheegay in uu ku dhiiri galinaayo sidii loo joojin lahaa isticmaalka qaadka.
Sheikh Aadan Siire waxa uu sidaas ku sheegay khudbaddii maanta uu ka jeediyey masaajidka quba ee xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa “ waan siin doonaa ciddii Qaadka cunijirtay ee joojisa $300 oo dollar ,Waxaynu uga jeednaa sannadkan jaaisado badan ayaa laga bixin doonaa Masaajidka, waxa ka mida jaa,isada Qaad joojinta oo iyadu ah jaa’isada lagu bixin doono ayaa dhan $ 300 Insha Allah” yuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Masaajidka Quba ee uu imaamka ka yahay sheikh Aadan siire ayaa inta badan lagu qabtaa tar-tanno kala duwan gaar ahaan bisha ramadaan kuwaas oo lagu bixiyo abaal marino , tar-tankan oo uu maanta ku dhawaaqay Aadan siire ayaa noqonaaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee lagu qabto guud ahaan Somaliland kaasoo ay dad badani u arkaa in uu tusaale fiican u noqon karo joojinta qaadka sida xawliga ah looga isticmaalo Somaliland.
Oodweynenews/Hargeysa Office
↧
“ waxaanu Siin Doonaa $300 Dollar Ninkii Qaadka Cuni Jiray Ee Joojiya” Sheekh Aadan Siire
↧