Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dagaalyahanada Mucaaradka Siiriya oo Soo Riday Diyaarad Dagaal

$
0
0

Flim muuqaal oo lasoo dhigay barta Youtube ka ayaa waxaa ka muuqanaayey muuqaal muujinaya mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka wadanka Siiriya oo hawada ku duuleysay waxaa daqiiqado  kadib dhulka laga maqlay rasaasta ka dhacda hubka lidka diyaaradaha isla markiiba waxaa la arkay diyaaradii oo dhulka kusoo dhacday isla markaana uu dab ka baxayo, markiiba waxaa bilowday dabaaldagyo ay sameynayeen dadkii  dhulka kusugnaa kuwaas oo ku faraxsanaa soo riditaanka diyaaradaasi
Diyaarada ayaa nuuceedu ahaa miig taasoo loo adeegsado duqeymaha waxayna qaadaa bambooyinka culus, waxaana la sheegay in ay tahay nuucyada uu Ruushku sameeyo.
Telefishinka Qaranka siiriya ayaa xaqiijieyey dhicitaanka diyaaradaasi, balse wuxuu meesha ka saaray in diyaaradaasi la toogtay, waxaana warkaasi lagu sheegay in diyaaradu ay usoo dhacday cilad farsamo.
Dagaalyahanada mucaaradka Siiriya ayaa u muuqda in ay helayaan hub casri ah kaasoo u sahlaya in ay dagaalka sii wadaan, mucaaradka ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan mid ka mid ahaa 2 duuliye ee diyaarada ka xaynayey.
Siiriya ayaa waxaa wali kasii socda dagalka ba’an ee u dhexeeya Ciidamada nidaamka Bishar Al Asad iyo dagaalyahanada mucaaradka xorta ah.
Dhanka kale haweyneyda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlaha gargaarka caalamaiga ah Faleeriya Aamoos ayaa maanta ka dageysa dalka Siiriya waxayna masuuliyiinta dalkaasi kala hadlaysaa sidii gargaar loo la gaari lahaa dadka ku dhibaateysan dalka siiriya ee ay waxyeeleeyeen dagaalada halkaasi ka socda.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>