Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Weerar xalay lagu qaaday xabsi ku yaala magaalada Gaalkacyo iyo maamulka Puntland oo ka hadlay, sheegayna…

$
0
0

Salaadii duhur ee shalay ayaa koox Burcad Badeed ahi weerar ku qaadeen xabsiga magaalada Gaalkacyo si ay xoog ugala soo baxaan Nin iyaga ka tirsan oo Xabsiga ku jiray, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka amaanka ee maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in muddo daqiiqado ah ay kooxda weerarka ku hayeen ilaalada xabsiga, kuwaas oo ku hubeysnaa qaryaha waa weyn iyo kuwa yaryar, waxaana la sheegay inay iska cabin kala kulmeen ilaaladii xabsiga.
“Illaalada xabsigu waa ay iska caabiyeen weerarka ay burcad badeedu soo qaaday, waxaana markiiba ka soo gaaray ciidanka amaanka magaalada” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland, gaar ahaan kuwii ku sugnaa xabsiga la weeraray oo sidoo kale sheegay inay dib u celiyeen kooxihii weerarka ku soo qaaday, wuxuuna intaasi ku daray inuu khasaare ka soo gaaray kooxihii soo weeraray.
“Kooxaha Burcad badeeda waxay doonayeen inay si xoog ah ku furtaan nin iyaga ka tirsanaa oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo, isku daygaasi wuu fashilmay ka dib markii ay ciidanka ammaanka si weyn isaga caabiyeen, waxaana haatan goobta gacan ku heynteeda la wareegay ciidanka ammaanka ee maamulka Puntlan” ayuu yiri sarkaalkan u hadlay ciidanka ammaanka maamulka Puntland.
Ma jiraan dhimasho labada dhinacba, waxaase dhawac soo gaarey labo ka mid ah Burcad badeedka kuwaas oo hadda lagu daweynayo Isbitaalka Gaalkacyo, Burcad badeedka Weerarka soo qaadey ilaa hada gacan laguma hayo, lamana oga meesha ay u carareen, Sargaal ka tirsan Ciidanka oo Puntlandi.com la hadley wuxuu noo sheegey in ay kooxdaan weerarka ku qaadey xabsiga ay wateen Gawaari xoogleh oo dheereeya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>