Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Odayaasha Dhaqanka oo Eedeeyey Gudiga Farsamada Soo Xulista Baarlamaanka

$
0
0

Kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ku shirsan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga hadleen arimaha soo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa guddiga xalinta khilaafaadka odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed waxa ay dhaliileen qaabka dib loogu soo celiyay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan guddiga farsamada ay shaaciyeen inaysan kamid noqoneyn baarlamaanka.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka odayaasha dhaqanka oo ugu horeyn saxaafada la hadlay ayaa wuxuu sheegay inaysan aqbaleyn in shaqsi ay keensadaan odayaasha dhaqanka meesha laga saaro shaqsi masuuliyiinta dowladda ay keensadaana booska la gelsho.
Ugaas C/laahi Ugaas Xaanshi Faracade oo ah Guddoomiye ku xigeenka guddiga xalinta Khilaafaadka odayaasha dhaqanka ayaa isna wuxuu sheegay inay jiraan dad odayaasha ay soo xuleen oo nadiif ah balse meesha laga saaray.
Wuxuu tilmaamay inaysan udulqadaan doonin arintaasi.
Xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo xulistooda waxaa ka taagan muran xoogan iyadoo hada si hordhac ahaan ah loo shaaciyay xubno gaaraya ilaa 202 Xildhibaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>