Dowladda Kenya ayaa waxay maanta duqeymo xoogan oo dhinaca cirka ah ay la-beegsatay Xarakada Al Shabaab, waxayna duqeymahaan ahaayeen kuwo ay khasaarooyin kala duwan ka soo kala gaareyn Al Shabaab.
Diyaaradaha dagaalada ee Dowladda Kenya ayaa waxay maanta duqeymahaan ay ka fuliyeen Deegaanka Taraaka, oo 35km u jira Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, isla-markaana duqeymahaan ayaa waxaa lala beegsaday fariisimo ay Shabaabku ku lahaayeen Deegaanka Taraaka.
Duqeymahaan ayaa waxay geysteen khasaarooyin iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo baabuurta dagaalada oo looga gubay Al Shabaab, iyadoo ay duqeymahaan u muuqdeen kuwo qorsheysan oo ay Dowladda Kenya ka soo shaqeysay.
Duqeymaha kadib ayay Ciidamadda Xarakada Al Shabaab isku gadaameen goobihii ay duqeymaha ka geysteen diyaaradaha dagaalada ee Dowladda Kenya, isla-markaana waxaa la-xaqiijiyay inay ka soo saareyn meydad iyo dhaawacyo.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ka sameeyeen Deegaanka Taraaka, waxayna dadka ugu diidayeen inay soo maraan amab ay ka soo ag-dhawaadaan goobihii ay duqeymuhu ka dhaceen.
Iskusoo wada-duuboo duqeymahaan ayaa waxay daba socdaan dagaalo lagu hoobtay oo laba habeen kahor ka dhacay Deegaanka Faax-faaxduun oo isna dhaca duleedka Degmada Baardheere, waxaana dagaaladaasi soo qaaday Ciidamadda Al Shabaab, khasaaraha ugu xoogana wuxuu ka soo gaaray Ciidamadda Kenya.
↧
Dowladda Kenya oo maanta duqeymo culus oo dhinaca cirka ah la-beegsatay Al Shabaab iyo khasaaro ay u geysatay
↧