Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Qudbadihii Madaxda Somaliland maanta jeediyeen iyo Sawiradii Ciidda oo dhamays tiran.

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ka hadlay Ololaha Somalia ka socda ee la doonayo in loogu dhiso Dawlad, waxaanuu beesha Caaalamka u sheegay inaanay Somaliland qusaynin hawlaha ka socda Somalia oo ay tahay Dawlad Madaxbannaan oo aan ka noqosho lahayn.
Madaxweynaha Somaliland Amed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta Khudbad ka jeediyey Masjid Jaamaca weyn eek u yaala Madaaladda Hargeysa oo uu Salaadii Ciidul fidriga kula tukaday Boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu caalamka u cadaynayo inay Somaliland tahay Dalka Madaxbanaanidiisa loo soo maray jid dheer iyo halgan.
Madaxweynaha Somaliland  Axmed Siilaanyo, waxa uu Umadda reer Somaliland Ialaahay uga beryey inuu  Sannadkan sannadkiisa ku gaadhiisyo nabad gelyo iyo horumar, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Umadda Islaamka waxaan leeyahay Ciid Mubaarag, gaar ahaan Dadweynaha reer Somaliland waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan,Ilaahayna waxaan ka baryaya inuu Bisha Ramadaan ee inoo  dhamaatay barakadeeda ina siiyo, waxaan ALLE ka baryaya  in uu bishan bisheeda kale inagu gaadhsiiyo bash bash iyo Barwaaqo, waxaan ilaahay ka baryaya in uu Caafimaad qab iyo Nabad gelyo iyo Wada jir inaga iyo Caalamka Muslinka  ah meel kasta oo ay joogan uu dhamaanteen Nabad gelyo inugu gaadhsiyo,waxaan Umadda reer Somaliland u soo jeedinaya in aynu ogaano Wada jirka Dawladnimada in aynu ka warqabno oo aynu wada ogaano oo Dadkeenu isku xidhnaado oo aynu Caafimaad iyo Wada jir ku wada shaqeyno oo aynu noqono dad waloolo ah, ilaashanayana Dawladnimadooda iyo Qaran nimadooda”
 
Madaxweynaha Somaliland Amed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  oo ka hadlayey  dhaq dhaqaaqa Somalia Dawladda loogu dhisayo waxa uu ydhi “Waxaan doonaya in aan halkan ka cadeeyo waynu wada ognahay Ololaha ka socda Walaalaheena reer Koon fureed ee Somalia waxa weeyaan mid aynu wada ognahay,waxaanu  u cadeynayna Umadda iyo Dunidaba in ay Somaliland tahay Dal madax banaan oo aan cidna Marti ugu aheyn Dawlad nimadeeda iyo Madaxbanaanideeda”
Madaxweyne Axmed Siillaanyo oo ka hadlayey inay dunida u iftiiminayaan Qadiyadda Somaliland, waxa uu yidhi  “Dunida waxaanu mid walba   doonaynaa inaanu ka dhaadhicino fahansiino in ay Umaddani iyo Dalkani Muddo dheer u soo halgameen Madaxbanaanideeda dariiq dheer u soo martay oo jid dheer u soo martay aanay wax ka joojinayaana  iyo cid wax ka bedeli karaana jirin”
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ugu dambayntii hadalkiisa ku soo koobay, isaga oo u docaynaya Somalia “Waxaanu jecelahay in Dadka aanu walaalaha nahay ee Somalia  iyagana Ilaahay uu dhibaatada ka qaado oo ay Dawladnimo Fiican sameystaan oo dad jaar ah  oo Walaalo ah aanu noqono”
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland khudbadisii oo faah faahsan ““Ramadaantii qaboobayd ILAAHAY ayaynu ugu mahad-naqaynaa, intii aanu roobku helina waxaanu ILAAHAY uga baryeynaa inuu Raxmaad deg-deg ah siiyo oo ILAAHAY umadda Somaliland iyo umadda Somaliyeedba meel ay joogtaba iyo umadda Islaamkaba ILAAHAY ka saaro faqriga iyo dhibaatada, Umadda reer Somaliland-na waxaan u sheegayaa inaynu danteena wada jirano, iscanaanashadu mar walba way jiraysaa, haddana waxa ka weyn waxa aynu hayno, maanta waxaynu haynaa nabadgalyo taam ah, nidaam iyo maamul ayaynu haynaa aanay walaalaheena Somaliyeed haynin, aniga oo ILAAHAY uga baryaya (Somaliya) inuu dhibaatada ka dul-qaado, markaa inta dhiman yaan la eegin ee inta badan ee wanaagsan ee la qabtay, isku tashigeena, horumarkeena iyo wada-jirkeena aynu mudadaa 21-ka sanadood ah ku soo ilaashanaynay nabadgalyadaa inaynu sii adkaysano ayaa loo baahan yahay, caloosha wanaag iyo is-taageersiga ayuu ILAAHAY ku gargaaraa, ILAAHAYNA waxaynu ka baryeynaa inuu Faqriga inaga saaro oo uu dalka inoo nimceeyo”
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) , waxa uu intaas ku daray “Walaalayaal inaga oo ah dad ehel ah oo isku wada walaalo, Ilmaadeer iyo isku abtiya, waxaanu jecelahay in walaalnimada iyo Somaliland-nimada aad loo wada ilaaliyo” Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  mar uu ka hadlayey Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo ee Golaga Deegaanka iyo dardaaran uu u jeediyey Umadda waxa uu yidhi  “Doorashooyin ayaa inagu soo fool leh, doorashooyinkaasi maaha inaynu cunfi u aragno, waa tartan xalaal ah oo loogu tartamayo in dadka iyo dalkan lagu dhiso, nin walba haka shaqeeyo sidii ay inoogu dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, waxaynu u tartamaynaana waa waxqabadkii dalka, qabyaaladuna waa waxa inaga dhimay inta inaga dhiman ee aynu tabanayno, waxa loo baahan yahay in qofkii khaldan dhinac laga wada maro”
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  oo ka hadlayey  dhlaiilaha Dawladda loo jeediyo waxa uu yidhi “Dawlada waa la canaantaa, waxa la odhanayaa dawladi ma jirto, waxba lama qabanayo, waddo lama banaynayo, maalinta wixii wanaagsanaa lagu dhaqaaqana danyar-baa la baro-kiciyay ayaa la odhanayaa, markaa waar hala iska daayo labadaa mid, waayo marka wax la wanaajinayo dhibaatadii cid ayay taabanaysaaye, haddii maalinta waddo ama guri umadeed loo baahdo la isugu markhaati furo danyar-baa la baro-kicinayaa waa nasiib daro, waxa wanaagsan in nin walba walaalkii iyo ka ugu dhow runta u sheego, maaha maalinta tuuga dhibaatada gaystay la qabto la soo dabo-ordo oo la yidhaahdo reer hebel-baa loo jeedaa iyo anaga ayaa lanoo jeedaa, wanaaga aynu isku kaashano, wixii dhibaato dalkeena u keenayana aynu meel uga soo wada jeedsano”
 
 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>