Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay dabayaaqada bishan Augost qabanayso Carwo loogu tallo-galay in Hay’adaha Samo-falka ee Caalamiga ah iyo kuwa Wadaniga ahiba ku soo bandhigi doonaan hawlaha ay dalka ka hayaan iyo waxqabadkooda.
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shirre ayaa sheegay in Wasaaraddiisu qaban-qaabinayso sidii 29 iyo 30-ka bishan siddeedaad loo qabanlahaa Carwo lagu qiimayn doono Hay’adaha dalka ka hawl gala oo uu sheegay inay ugu tallo-galeen in dadwaynuhu fursad u heleen inay ogaadaan waxqabadka hay’adaha Samo-falku dalka ka fuliyaan, isaga oo shacabka ugu baaqay inay ka qayb-galaan Carwadaasi.
Wasiir Sacad Cali Shirre oo shalay Wwarbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isaga oo arimahaa ka hadlaya yidhi “Waxaan doonayaa inaan dadka u sheego inaanu qaban-qaabinayno Carwo aanu qabanayno oo ay ka qayb-galayaan hay’adaha samo-falkA e dalka ku sugan, waana Carwo noqonaysa tii nooceeda ah ee ugu horeysay ee laga qabto Somaliland, waxaanu rajaynaynaa inay Carwadaasi noqoto mid joogto ah oo sanadle ah Iinsha Allaahu”
Dr Sacad Cali Shirre, waxa uu sheegay in Carwadani gaar u tahay hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada la xidhiidha Samo-falka, isaga oo xusay in marka hay’adduhu waxqabadkooda soo bandhigaan dadwaynuhuna fursad u heli doonaan inay ogaadaan waxqabadkooda, waxaanuu yidhi “Wadan kasta hay’adaha wax soo saarka , waxa loo qaybiyaa saddex, kuwo waa kuwo dawli ah, kuwana waa kuwo gaar ah, qaarna waa kuwo samo-falka, Carwadani waxay gaar u tahay kuwa Samo-falka, Carwadan ujeedadeedu waa in fursad la siiyo hay’adaha samo-falka wadaniga ah, kuwa samo-falka ee caalamiga ah iyo kuwo qaramada Midoobay inay soo bandhigaan waxqabadkooda, dadkuna fursad u helaan kuna wareystaan si ay xog-ogaal ugu noqdaan hawlaha ay hayaan hay’adahaasi, Carwadaasi waxa lagu qabanayaa hoolka weyn ee Carwooyinka ee Huteelka Maansoor ee Magaaladd Hargeysa labada maalmood ee 29-ka iyo 30-ka ee bishan Augost, waxaan dadwaynaha ku boorinayaa inay Carwadaasi ka soo qayb-galaan”
Hargeysa Office
↧
Somaliland Oo Bilaabaysa qaab ay ula xisaabtami doonto Hay’addaha Calamiga ah ee Dalka Ka Hawl Gala.
↧