Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya ayaa maanta kusii jeeda kismaanyo

$
0
0

Cutubyo ka kala tirsan ciidama dowlada soomaaliya iyo dowlada kenya ayaa  ku sii jeeda magaalo xeebeedka kismaanyo.
Ciidamadaa oo wada hub aad u culculus oo ay ka mid yihiin gawaarida dagaal ayaa maanta ku wajahan kismaanyo saraakiisha hogaaminaysa ciidamada ayaa sheegay in ay ka go`antahay in ay lawareegaan magaalada kismaanyo oo ay gacanta ku hayaan xarakada Al-shabab oo maamusha kismaanyo iyo magaalooyinka ku hareeraysanciidamadaan ayaa isugu jirakuwa Kenya, kuwa raasganboone iyo ciidamada dwlada federaalka soomaaliya waxaana ururaka raasganbooni uu sheegayaa in ay ayagu xaq uleeyihiin maamulka kismaanyo.
Dhankale wararka ka imaanaya magaalo xeebeedka kismanyo ayaa sheegaya in laga dareemayo xoogaga xarakada Al-shabaab diyaargarow muujinaya in ay ayna difaac adag ka xirteen duleedyada magaalada kismaayo xoogaga Al-shabaab ayaa u diyaargaroobaya dagaal ay kaga hortagaan ciidamada huwanta ah ee kusoo fooleh magaalada kismaayo.
Sidoo kale dadka ayagu ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa laga soo sheegayaa walaac iyo cabsi aad u farabadan madaama ay maqleen dhiilada colaadeed ee kataagan kismaayo xili maalmihii u danbaeeyay ay duqeymo kawadeen ciidamada Kenya magaalada kismaayo taas oo sii kordhisay cabsida dadweynaha ku dhaqan magaalada kismaayo oo ayagu ka cabsi qaba in duqeymo loo geesto xaafada magaalada kismaayo hadii ay ku dagaalamaan ciidamada huwanta iyo kuwa xarakada  al-shabaab.
Related Posts
No related posts.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>