Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigeen niman ka tirsan Xarakada Al Shabab, kuwaa oo watay hub iyo walxaha qarxa.
Ciidamadda Sida Gaarka ah u Tababaran ee Gaashaan/Alpha Group ee Dowladda Somaliya, ayaa waxay hawl-galo culus ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Marka, iyagoona gacanta ku soo dhigay rag iyo walxaha qarxa.
Ciidamadda Gaashaan ayaa waxay hawl-galadaan ay ka sameeyeen Xaafadaha kala ah Buulo Jaan iyo Beyturaas ee Magaalada Marka, waxayna ku soo qab qabteen niman fara-badan iyo hub iskugu jira qoryaha fud fudud bistoolado iyo bambooyin.
Ragga ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamadda Gaashaan ayaa waxaa lagu xir xiray Xabsiyada ku yaalla Magaalada Marka, waxaana xilligaan ku soconeysa baaritaano, inkastoo qaarkood ay iska cadahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab.
Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida oo raggaan ku wada baaritaano kala duwan, ayaa waxay sheegeen inay kala cadeyn doonaan inta Al Shabaab ka tirsan iyo inta bay yiraahdeen aan ka tirsaneyn.
Related Posts
No related posts.
↧
Niman hub iyo walxaha qarxa oo watay oo lagu qab qabtay gudaha Magaalada Marka
↧