Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Isbaheysiga Turxaanbixinta IFISO oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya dooratay

$
0
0

Isbaheysiga Turxaanbixinta IFISO oo u Hambelyeynaya Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, isla markaasna ka Baaraandegaya Caqabadaha Jira iyo Tallaabooyinka Horay loo Qaadayo
Isbaheysiga Madaxabannaan ee turxaan bixinta Soomaaliya (IFISO) ayaa ugu hambalyeynaya Xasan Shiikh Maxamuud doorashada uu maalintii Isniinta Barlamaanku ugu doortay in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.
IFISO oo tixgalineysa fursadda taariikhiga ah ee aan caadiga aheyn ee la siiyay Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa ku borrineysa in la soo afjaro taariikhda Soomaaliya ee ku dhisan shaqaaqada, musuqmaasuqa iyo la-xisaabtan la’aanta iyadoo ka dhowreysa hoggaanka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud inuu saxo goldaloolaha Dhammaadka Ku-meel-gaarnimada.
Waxay IFISO ka xuntahay in iyadoo ay jireen dadaallo faro badan oo u gogol xaarayay heshiisyada Dhaammaadka Ku-meel-gaarnimada ee dalbayay in dhammaan Xubnaha Baarlamaanku ay muujiyaan xushmada ay u hayaan xuquuqda aadanaha, haddana loo dhaariyo Xubinnimo Baarlamaan shaqsiyaad ay soo celiyeen Guddiga Farsamo ee Xulitaanka. Waxaa intaas dheer jabinta shardigii ahaa in Xubnaha Baarlamaanka 30% ay noqdaan haween.
IFISO waxay ugu yeereysaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud inuu wax ka qabto dhaliilahaas asagoo u xulaya haweeney u qalanta xilka Raiisul-Wasaaranimada, kuna adkeysanaya in xulitaanka Golaha Wasiirada 30% ay noqdaan haween.
Waxaa intaas dheer in xubnaha Golaha Wasiiradu ay noqdaan kuwa aan ku luglahayn dambiilenimo iyo ku-takrifalka hantida dadweynaha, isla markaasna leh xirfadaha loo baahanyahay iyo niyadda iskaashiga lagama maarmaanka u ah adkeynta guulaha Dhammaadka Ku-meel-gaarnimada.
No related content found.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>