Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Laba Wariye Oo Ka Hawlgala Magaalada Borama Oo Loo Xidhay Rayi Ururin La Xidhiidha Madaxweynaha Cusub Ee Somaliya

$
0
0


Ciidamada booliska Magaaladda Boorama ayaa xabsiga u taxaabay laba Wariye oo ka kala ah Hashim Good, oo Telefiishanka SOMALISAT uga soo warama Magaalada Borama iyo Mursal cilmi cumar oo ka hawlgala BULSHO Tv , taasoo la sheegay inay Telefiishanka ay wakiilka Borama uga yahiin u direen rayi ururin ay shacabka ka qaadeen,, taasi oo la xidhiidhay sida ay dadka u arkeen Madaxwaynaha cusub ee Somaliya loo doortay.
Sidoo kale ciidamada Booliska ayaa sheegeen inay ku dabajiraan wariye kale oo sadexaad oo lagu magacaabo Cabdicasiis Cabdilaahi oo isna ka hawl gala shabakada wararka ee Boramanews.com oo ay sheegeen inuu barnaamij noocaas oo kale ah faafiyay.
Wariye Hashim Good ayaa sheegay in lagu haysto war xalay ka baxay telefishka SOMALISAT kaasi oo ku saabsanaa hambalyo ay qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Boorama u diraysay madaxweynaha cusub ee Somaliya, Waxaanaay halkaasi ciidamada boolisku iyo kuwa dambi baadhistu ku waydiinayaan su’aalo la xidhiidha sababta uu shacabka u waydiiyey dareenkooda la xidhiidha Madaxwaynaha cusub ee Somaliya.
Madaxwaynaha cuusb ee Somaliya ee aragtida shacabka Borama ka bixiyeen loo xidhay Wariye Hashim iyo Wariye Mursal ayaa waxa si aan kala hadh lahayn u hambalyeeyay masuuliyiinta Somaliland, kwaasi oo uu ka mid yahay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirka Arrimaha Didedda Maxamed
Source-Cadceed


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>