Afhayeenka Ciidamada Kenya ee AMISOM Emmanuel Chirchir oo Warbaahita Ciidamada Kenya taageerta u hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in ay maalmahaani ka wadeen Goboladda Jubooyinka Baaritaano ay ku baadi goobayaan Asgar ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu waayay nolosha inta ay dagaalada ka socdeen Goboladaasi.
Emmanuel Chirchir ayaa waxaa uu sheegay in ay meedadkaasi ay ka heleen ugu danbeentii qabri kuyaala meel u dhow xeebta magaalada Kismaayo oo ay ku duugeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay tirade meedadka ay heleen ahaayeen 4 Asgari keenyaan ah iyo 1 kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, wuxuuna Tilmaamay in lagu qabsaday dagaaladii xooganaa ee ka dhacayay Jubooyinka.
Ugu danbeentii Xarakada Al-shabaab ayaa horaan waxaa loogu yaqiinay in ay meedadka Asgarta AMISOM eek u soo dilaan dagaalada ku jiid jiidaan wadooyinka, bale Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in ay 5 Asgariba ay ku wada Duugnaayeen hal Qabri oo kaliya.
↧
Meydad Ciidamo Kenyaan ah oo laga Helay Magaalada Kismaayo
↧