Guddoomiye ku xigeenkii Saddexaad ee Urur-siyaasadeedka Ummadda Prof. Axmed Maxamed Nuur ayaa sheegay inuu si rasmi ah isaga casilay Xilkii Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Urur Siyaasadeedka Ummadda iyo Xubinnimadii uu ka haa Ururkaasi.
Prof: Axmed Maxamed Nuur oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hotel Xaraf ee Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inuu ku biiray Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, isaga oo is casilaadiisa ku sababeeyey Is bedelada Siyaasadeed ee ka soo hano-qaaday Bariga Sanaag oo uu ka soo jeedo, waxaanuu sidoo kale sheegay inay dhamaan beeshiisii taageero buuxda u muujisay Xukuumadda, isala markaana uu go’aansaday inuu la mid noqdo Beeshiisa oo uu ku biiro Xisbiga talada haya ee Kulmiye, isayada oo ay wararka qar sheegayaan inuu Madaxweynaha Somaliland xil u magacaabayo siyaasigan, sidaasi awgeedna uu isaga casilay Ururka Umadda.
Prof: Axmed Maxamed Nuur oo ka hadlaya isa casilaaddiisa iyo waxa uu ku sababeeyey waxa uu yidhi “Aniga oo ah Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee ururka Umadda, waxaan halkan ka cadaynayaa inaan iska casilay xilkii Guddoomiye ku xigeenka Sadexaad ee aan ka hayey Ururka Umadda iyo Xubintii aan ka haaba, sababaha ugu waaweyn ee keenay inaan iska casilo Ururka Umadda waxa weeye in xuduudihii Somaliland ay dhinaca Puntland ka soo xidhmeen, oo dhammaan beeshii Sanaag bari ay taageereen gogoshii nabada ee Madaxwaynaha, Xukuumadduna ay ku tallaabsatay horumar, sidaa daraadeed, maadaama oo aan ahay beesha siyaasigeedii, waxaan ku khasbanahay inaan beeshayda raaco oo aan la shaqeeyo xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, kana wareego ururkii Umadda.”
Axmed Maxamuud oo sheegaya halka uu siyaasad ahaan ku biirayo waxa uu yidhi “Waxan si toos ah ula shaqaynayaa xisbiga Kumiye ee muxaafidka ah iyo xukuumada, waanay idiin muuqdaan sababaha keenay iyo guulaha uu madaxweynuu ka gaadhay go’gashii nabadeed ee bariga.”
Prof. Axmed isaga oo la hadlaayay Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland waxa uu yidhi “Waxaan arkayey inuu Faroole Sanaag bari cadho badan ka muujiyay, waxaanan leenahay Faroole yaanay xuduudda iyo khariirada Somaliland kaa qaldanaan, dadkuna waa Somaliland sadex gobal ayaad xukuntaaye ( Puntland ) ku eekow, waana Somaliya sadexdiina gobal oo awalba waxaynu ahayn laba dawladood oo isku darsaday, Somaliland dadkeeduna waa uu tashaday, rasuulkuna waxa uu yidhi CSW qofka muslinka ah god laba jeer lagama wada qaniino.”
Ugu danbayntii waxa uu Gudoomiyahan is casilay fariin talo ah u diray Madaxweynaha dhawaan loo doortay Somaliya iyo Raysal Wasaarahiisa “Madaxwaynaha Somaliya waa-nin inbadan kashaqayn jiray Samaliland waxaana looga fadhiyaa inuu ictiraafka kasiiyo midigta, Raysal wasaaraha waxaan leeyahay Siyaad Barre ayaa baalmadaw kagatagay reer Somaliland ,adna waxaa lagaaga fadhiyaa inaad baalkaa madaw aad caadaan ubadasho oo aad Somaliland siisaan Aqoonsigeeda ay xaqa uleedahay.”
Buraannews.com/Hargeysa
↧
Guddoomiye Ku Xigeenkii Sadexaad Ee Gaboose Oo Xilli Xaasaasiya Iska Casilay, Sababa Uu Uga Tegay Iyo Halka Uu Ku Biiray.
↧