Daraasado iyo Baaritaano tira badan oo laga sameeyay dunida ayaa lagu ogaaday in nin kasta cuntada uu jecel yahay, astaan iyo tilmaan u tahay dabeecadiisa iyo hab dhaqanka uu bulshada kula noolaan karo, sababtoo ah? Cuntooyinka kala duwan ee aadamigu quutaan waa kuwo qof walba u leh dareen iyo xiisayn u gaar ah, waxaana had iyo jeer dhacda in cunto qof jecel yahay aanu mid kale afkaba saari karin, taas oo ah mid dhamaanteen aynu ka wada dheregsanahay.
Akhriste ma aha kala duwanaanta cuntadu mid cusub, laakiin waxa cusub dareen ahaan qof walba cuntada uu jecel yahay in lagu ogaan karo shucuurtiisa iyo shakhsiyadiisa dhabbta ah.
Cilmi baadhistii ugu danbaysay ee lagu daabaco bogaga lagaga faaloodo arrimaha caafimaadka gaar ahaan, waxyaabaha ugu cusub ee la daah furay ama soo kordhay ayaa lagu soo bandhigay noocyada cunto iyo mid kasta dadka xiiseeyaa ama aadka u jecel shakhsiyadooda iyo shucuurtooda labadaba.
Daraasadahan daaha lagaga rogay xidhiidhka u dhexeeya cuntooyinka uu qofku ugu jecel yahay iyo dabeecadihiisa oo wakhtiyo badan lagu soo guda jiray, waxa hor kacayay khabiir aqoon dheer u leh, cuntooyinka la quuto iyo saamaynta ay dadka ku yeeshaan kaas oo lagu magacaabo Yen Hills, oo ka waramay sababaha iyo saamaynta cuntooyinku Bayoolaji ahaan qofka u badali karaan dabeecadiisa saamayna ugu yeelan karaan hab dhaqankiisa.
Hal cunto oo uu qofku aad u jecel yahay ayaa laga yaabaa in ay gabi ahaanba saamayn ku yeelato dabeecadiisa taas oo u horseedi karta in uu farxaan noqdo iyo in uu noqdo mid dabeecado qalafsan.
Haddii aynu u daadegno Natiijada aynu Soo qaadano, Raga aadka u jecel cuntooyinka moorgaraysan ama qasacadaysani waa kuwo dabeeciyan sida cilmi baadhistan tilmaamayso jecel in shaqo kasta oo ay qabtaan laga abaal mariyo ama ugu yaraan looga mahad naqo, sidoo kale waa dad dhibta neceb, xaaladooduna u badan tahay in haddii dhibaatooyin dhacaan badbaadinta naftooda oo kaliya ka hawl gala oo is baan baaniya.
Raga iyaguna jecel quudashada Kaarooga iyo baamiyaha in cuntada ay ku badsadaan ama si gaar ah labadaa nooc ee khudaarta ah u daneeya, ayaa iyaguna ah kuwo jecel in ay saamayn bulshada ku yeeshaan, waa kuwo u badheedhi kara in ay arrimo ugub ah ku kacaan, waxaana dabiiciyan ku duugan awood wax dhalin karta.
Raga jecel Cuntada Liin dhanaantu ku badan tahay ama aan la?aanteed cunin, sida dabeecad ahaan ay u badan yihiin, waxaanay tilmaantay in ragaasi yihiin, kuwo jecel in amarkooda iyo shuruucdooda lagu socdo, waa kuwo wax kasta ka warwera oo aan salka ka fadhiyin, sidoo kale waa kuwa ugu badan dareenka hinaasaha ah, had iyo jeerna laga dareemo dareen fiigsanaan ah oo uu ka qaado, qof kasta oo uu shaqo ahaan ama awood ahaan tartan ka malaysan karo.
Raga jecel Cuntada Basbaaska badan ee aadka u kulul ayaa ah kuwo u badan kali taliyayaal ku amar ku taagleeya wax kasta oo talo ahaan gacantooda soo gasha, waxa kale oo raga basbaas la?aanta aan cuntada cunin ay dhaqaan ahaan u badan yihiin, kuwo damacu ku badan yahay oo xoolo cir doon ah, mar kastana waxa ay hayaan inay sii siyaadsadaan jecel, waa suura gal in ay ku bataan dadka dhulka ku qabsada dadka had iyo jeer.
Raga jecel cuntooyinka basasha iyo midabayntu ku badan tahay sida sacfaraanka iyo basasha iyo toontu waa kuwo had iyo jeer xaalad abuur u badan, kalsoonida naftooduna ku yar tahay, waa kuwo dhex galka dadka aan ku wanaagsanayn dabeecad ahaana dadka Somalidu oodanta tidhaahdaa ku badan yihiin.
Warbixintan ayaa taxday liis dheer oo cuntooyinka qaarkood iyo dabeecad ahaan sida dadka jecel ay saamaynta ugu leeyihiin ay kaga hadlayso, tusaale ahaan waxa ka mid ah raga jecel cuntooyinka khalka, Maayooniska iyo waxyaabaha dusha lagaga daro leh, ay yihiin rag dabacsanaan badan leh, kalsoonidu ku badan tahay, awoodna u leh in ay dadka hogaamin karaan.
Dadka ugu nabada jecel uguna dulqaadka badan ama laga yaabo in ay dhegaystaan aragtida dhinacyada ka soo hor jeeda, go?aan qaadashadooduna u badan tahay mid lagu qanco ayaa ah dadka aadka u jecel hilibka kaluunka iyo digaaga, isla markaana aan jeclayn, basbaaska iyo khudaarta hahda leh.
Raga aadka u jecel Hilibka cas oo ah ka xoolaha ayaa inta badan noqda kuwo sal fudud si deg deg ahna u qaata go?aamo ay marka danbe farta dhexda ka qaniinaan, oo afka u galiya xaalado oodan ah oo aanay ka bixi karin, raga dhibaatada ugu badan gaysta iyaga oo aan ka fiirsan ayaa u badan kuwo jecel cuntooyinka dufanku ku badan yahay, inkasta oo ay suura gal tahay in dedaal ahaan ay hawlahoodu ku fiican yihiin, haddana maaha kuwo ku wanaagsan dad la dhaqanka iyo tix galinta dadka kale, waa kuwo aaminsan in ay dadka ka caqli badan yihiin, damaca iyo sed bursi jacaylkuna ku badan yahay.
Raga jecel cuntooyinka qalalan ee aan duxda badan lahayn ama cuntada deg dega u cuna, gaar ahaan kuwa waxa Somalidu u taqaano kamiinta leh ee qamaama marka ay cuntadu ka raagto ama gaajoodaan ayaa ah, kuwo dedaal badan laakiin mar kasta wax qiimeeya, ma awoodi karaan inay kaga jawaabaan hab fiican waxaanay si deg deg ah u baabiin karaan wax badan oo ay soo dhiseen, dadka noocaas oo kale ahi waa kuwa ku aar goosta marka taladu gacantooda gasho ama dictator-ka noqda.
Dhamaan arrimahan iyo saamaynta dabeecadeed ee cuntooyinka qofku door bidaa ku yeelato dabeecadiisu waa kuwo si Bayoolaji ahaan ah u dhaca, hormoonada dareenadu ka abuurmaana dhaliya.
Faysal Maxamed Xasan
f.maxamed03@hotmail.com
↧
Maxaa Ka Jira In Dabeecadaha Raga Lagu Garan Karo Noocyada Cunto Ee Uu Aadka U Jecelyihiin
↧