Gobolka Maine ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu qabtay tartanka xambaarka xaasaska, iyadoo ay raggu dusha ku qaadayeen xaasaskooda.
Ragga xaasaskooda xambaaraya ayaa waxay la marayaan meelo dhib badan, sida buuro gacanta lagu sameeyay, biyo iyo meelo dhoobo ah.
Qaar ka mid ah raggii tartankaas ka qeyb galay ayaa ku haftay biyihii, kuwo kalena waxay ku dheceen buurihii gacan ku samayska ahaa, halkaasna waxaa ka raacday ceeb iyo fadeexo, iyadoo raggii guulaystayna la siiyay abaalmarino.