Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Daawo Sawirada: Banaanbax ay dhigeen Wariye-yaasha reer Muqdisho

$
0
0

Wariye-yaasha ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta isugu soo baxeyn banaan-bax, ay si weyn uga soo horjeedaan war qoraal ah oo dhawaan lagu soo daabacay mid ka mid ah Jariiradaha Caalamka.

Wariye-yaasha ayaa waxay si weyn uga caroodeen warbixin dhawaan lagu soo qoray Jariirada Guardian, oo ka soo baxda dalka Boqortooyada ee Britain, iyadoo qoraalka ku soo baxay uu qoray Wariye Somaliyeed oo Jamaal Cusmaan lagu magacaabo.

Wariye Jamaal ayaa wuxuu warbixinta uu ku xusay in Wariye-yaasha reer Muqdisho ay yihiin kuwo hubeysan, oo dhexdooda uun isdilaaya, sida uu ku soo sheegay warbixinta uu dhawaan uu ku soo qoray Jariirada Guardian.

Banaan-baxaan ayaa waxay Wariye-yaasha ay ku dhigeen ka soo horjeedka Gurigii Hooyooyinka ee Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, halkaasoo ay qaarkood kula hadleen Warbaahinta.

Agaasimaha Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho Abwaan C/Laahi Cusmaan Guure, oo ka mid ahaa Xubnihii goobtaasi kula hadashay Warbaahinta, ayaa wuxuu si kulul uu u dhaleeceeyay Jamaal Cusmaan, isla-markaana warka uu ku soo qoray Jariirada Guardian ayuu ku sheegay mid aanu waxba ka jirin.

Wariye-yaasha reer Muqdisho oo muujiyay sida aanu waxba uga jirin qoraalka Jamaal Cusmaan, ayaa waxay wateen sawirkiisa oo ay saaran tahay calaamada istalaabka loo-yaqaano (X).






Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>