Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

African Cup of Nations ( dalka ugu hanashada badan, ciyaaryahanka ugu gool dhalinta badan … )

$
0
0

Koobka kubada cagta ee Qaramada Africa waa tar tanka caalimiga ah ee ugu muhiimsan Qaarada Africa, Tar tankaas oo labadii sanaba mar la qabto Waxaa qaban qaabiya xiriirka kubada cagta Qaarada Africa ( CAF ) Confederation of African Football wuxuuna si rasmi ah u soo bilowday sanadkii 1957 – kii waxaana markii ugu horeysay marti geliyay dalka SUdan , iyadoo ay kasoo qeyb galeen 3 dal oo kala ahaa Masar, Sudan iyo Ethiopia,waxaana koobkii ugu horeetay gacanta ku dhigay dalka MASAR oo xiligaa loo yaqiin UNITED ARAB REPUBLIC.

Sanadkii 1988 -kii ayaa tirada dalalka ka qeyb galaya tar tanka kama dambeysta ah la kordhiyay lana  gaarsiiyay 16 dal , 14  wadan ayaana ayaana ku guuleystay 28 – kii jeer ee tar tanka la qabtay 1957 – 2012 dalka Masar oo mudo 7 jeerah  ku guuleystay koobka ayaa noqday dalka ugu hanashada badan koobka qaramada Africa, sanadihii 1957, 1959 , 1966 , 1998, 2006 , 2008 iyo 2010, dhinaca kale dalalka CHANA iyo CAMEROON ayaa iyana min afar jeer koobka  hantiyay.
Dalalka NEGERIA iyo CONGO DR ayaa min 2 jeer koobka ku guuleystay halka ay 9 dal ay min hal jeer ku guuleysteen kuwaas oo kala ah TUNISIA , SUDAN , IVORY COAST , ALGERIA , MOROCCO , ETHIOPIA , SOUTH AFRICA , CONGO iyo ZAMBIA , dhinaca kale dalka Masar ayaa noqday dalka ugu badan ee u soo istaaga ciyaarta kama dambeysta ah ( FINAL ) 8 jeer oo 7 ka mid ah ay koobka ku guuleysteen ayeyna u safteen , halka ay 22 jeer ay ka qeyb galeen wareega kama dambeysta ah 28 – kii  jeer ee la qabtay koobka kubadda cagta ee Qaramada Africa, halka xulka IVORY COAST uu 20 jeer koobka kasoo qeyb galay dalka GHANA ayaana isna 19 jeer koobka u soo xaadiray.
African Cup of Nations oo ay sanadkan 2013 waxaa   marti gelinaya  dalka South africa   waxaana  is reeb reebkiisa ka qeyb galay 44 dal oo loo qeybiyay 11 Group oo min 4 ah , halka dalka tar tanka marti gelinaya ay si toos ah isagoo aan isreeb reb gelin tar tanka ugu soo baxay  waxeyna tirade ka dhigayaan 45 dal  ,waxuuna si rasmi ah Tar tanku u bilaaban doonaa 19 janaury 2012 waxaana lasoo gaba gabeyn doonaa 10 -ka Febraury 2012, waxuuna tar tanka ka dhici doonaa afar garoon oo ku kala yaal Magaalooyinka DURBAN, PORT ELIZABETH, NELSPRUIT iyo RUSTENBURG, 16 -ka dal ee u soo baxay tar tanka kama dambeyta ah waxaa loo qeybiyay 4 group oo kala ah A, B, C iyo D. Group A waxaa ku wada jira SOUTH AFRICA, ANGOLA , MOROCCO iyo CAPE VERDE , halka Group B ay isku herdin doonaan  dalalka GHANA ,  MALI , NIGER iyo CONGO DR ,  Gruop C waxaa ku kulmaya dalalka  ZAMBIA, NIGERIA, BURKINA FASO iyo ETHIOPIA , iyadoo Group – ka afraad ee D oo ah groupka dhimashada sku arki doonaan dalalka IVORY COAST,  TUNISIA, ALGERIA iyo TOGO.
Ciyaar yahanka ugu gool dhalinta badan abid African Cup of Nations waa Samuel Eto ‘o oo u dhashay Cameroon oo 18 gool hogaanka ku haya , LAURENT POKOU oo 14 gool leh baa kusoo xiga iyadoo uu RASHIDI YEKINI oo13 gool leh uu kaalinta sedexaad ku jiro , dhinaca kale  Mohamed Ad Diba oo Masar ah uu noqday ciyaar yahankii ugu horeeyay ee ku guuleysta ciyaar wanaaga koobka qaramada Africa sanadkiii 1957 – kii , halka Axmed Hassan oo isna Masri ah uu ka yahay ciyaar yahankii ugu dambeeyay ee heysta darajada ciyaar wanaaga koobka qaramada Arrica , SOUTH AFRICA iyo CAPE VERDE ayaana ciyaarta ugu horeysa  fooda isku  dari doona 19 January 2013.
African Cup of Nations 2013 waxaa ka maqan Xulka MASAR  oo ah kan ugu hanashada badan koobka qaramada Qaarada africa , dhinaca kale Libya oo marti gelin laheyd AFRICAN CUP OF NATIONS 2013 ayaa laga wareejiyay waxaana marti gelinta ku guuleystay   dalka SOUTH AFRICA.
Qalinkii Qoraa Sare.
Muse Mohamed Osman
Muusekiimiko99@hotmail.com
muusekiimiko@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>