Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Wiil Dhaqan Celin loo keenay wadanka Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho kasameeye Dhacdo hore loo arag

$
0
0

C/Sitaar Mahdi Shire waa Wiil yar oo 15 sano jir ah waxaana mudo ku dhaw 6 bilood ka hor dalka Denmark ka kaxeeyay Waalidiintiisa oo geeyay magaalada Muqdisho ka dib markii ay u adkeeysan waayeen Wiilkaan oo ku faraq xirtay Ciyaal lagu sheegay kuwo dhaqan ahaan aanan u wanaagsaneeyn.
Wiilkaan oo loo geeyay Abtigiis oo degan magaalada Muqdisho si uu dhaqan ahaan u soo wanaagsanaado ayaa waxa uu la qabsan waayay nolasha taala magaalada Muqdisho maadaama uu yahay shaqsi ku dhashay mid ka mid ah dalalka Dunida ugu nolasha wanaagsan (Denmark).
C/Sitaar Mahdi Shire markii qaab farsameeysan lagu geeyay dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaa Paasaboorkiisii kala tagay Waalidiintiisa oo ku laabtay dalka Denmark.Wiilkaan oo aad u Caqli badnaa markii uu arkay in kaarto lagu keenay Xamar wuxuu 5 bilood ka dib u fakaday magaalada Adis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya wuxuuna Safaarada dalka Denmark ka furay Dacwad ka dhan ah Waalidiintiisa oo Paassaboorkii Danishka ahaa kala dhuuntay.
Kiiskaan oo dad badan ka yaabsday C/Sitaar Mahdi Shire iminka markii dib loogu soo celiyay dalka Denmark waxa uu kansalay Dacwadii uu u heeystay Waalidiintiisii Xamar geesay balse Dawlada dalka Denmark oo diidan Dacwadaan in la kansalo ayaa waxeey ku dhegan tahay Waalidiintii uu dacweeyay Wiilkaan xariifka ah.
C/Sitaar Mahdi Shire ayaa markii uu tagay Safaarada dalka Denmark ee magaalada Adis Ababa waxa uu ku andacooday ama ku dacwooday in uusan Af Soomaali wanaagsan aqoonin ayna la soo xiriireen intii uu Muqdisho joogay Rag rabay in ay ku daraan Maleeshiyaadka ururka Al Shabaab si uu ugu dagaalamo .
Waxaa jira Caruur fara badan oo Dhaqan celin ahaan looga waday dalalka Yurub iyo America kuwaas oo la kala geeyay Somaliland ,Puntland iyo magaalada Muqdisho balse wali ma dhicin Qiso nuucaan ah iyo Wiil awood ahaan dib ugu laabtay dalkii markiisii hore laga soo masaafuriyay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>