Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Xagee Wax u Marayaan Ra’isul Wasaare Saacid. “Xog + Gorfeyn”..

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid” ayaa lagu waramayaa in uu ku jiro latashigiisii ugu danbeeyay ee soo magacaabista gollaha wasiirrada xukuumada shaqeyn doonta mudada afarta sano ah ee nagu soo foolka leh.Wararka laga hellayo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegay in ra’iisal wasaaruhu uu ku jiro la tashigiisii ugu danbeeyay ee uu ku soo dhisi lahaa gollaha wasiirrada, kuwaasoo uu la leeyahay xildhibaannada baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
“Waxaa socda wadatashiyadii ugu dambeeyay oo ra’iisul wasaaruhu uu la leeyahay qaybaha bulshada.
Waxyaabaha ugu badan ee uu kala tashanayo waa sida ay doonayaan inay golaha wasiirradu noqdaan iyo howlaha ay doonayaan inay diiradda saaraan,” ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeennada madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha oo laga filayay gollaha wasiirrada waqtiga ka hor ayaa la leeyahay waxaa uu siweyn ugu fikirayaa sidii uu ku soo xulan lahaa golle wasiiro oo tayo leh, kuwaasoo ka bixin kara howlaha adag ee hor yaala afarta sano ee nagu soo aadan.
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa markii uu dhawaan hellay kalsoonida xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, waxaa uu hortooda ka sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo ka bixin karta howlaha adag ee hor yaala.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>