Warar hordhac ah oo goordhow naga soo gaaray aqalka Madaxtooyada ayaa sheegaya in beri lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada Xukumada Dr Saacid Faarax Garaad.
Dad la rumaysan karo oo kusugan Aqalka madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in lagu dhawaaqi doono Xubnaha golaha Wasiirada saacadaha soo aadan.
Wararka waxaa ay sheegayaan in la isla gartay in xubnaha golaha Wasiirada ay noqdaan oo kaliya 9 xubnood, halkii la filayay ugu yaraan 18.
“Waa sax in Wasiirada la yareeyay, waxaana laga dhigay 9 xubnood oo kaliya, waxaa arimahaas lagu go’aamiyay kulamadii ugu danbeeyay ee Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha barlamaanka’ayuu sheegay xubin katirsan Aqalka Ra’isul Wasaaraha oo Badweyn.com lahadlay.
Qaar badan oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa durba lasoo sheegayaa in ay diidan yihiin qaabka wax loo qeybiyay, maadaama beelaha Soomaaliyeed ay badan yihiin.
Xukumadii Dr Gaas iyo Tii Farmaajo ayaa ka koobneyd oo kaliya 18 xubnood, taas oo iyadana lafilayay in sidaas oo kale dhacdo, hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in kala bar meesha laga saaray xubnaha la filayay.
↧
Deg Deg ah: Golaha Wasiirada waxaa laga dhigayaa 9 Xubin oo kaliya
↧