Garoowe,Axad 29 January 2012 (SONNA) – Ururka Bisha Cas ee dalka Iiraan ayaa maanta raashin u qeybisay qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaasi oo sidoo kale xarun u ah maamulka Puntland.
Wararka ay Wakaaladda SONNA ka helayso magaalada Garoowe ayaa tilmaamaya in deeqdaasi raashinka ah loo qaybiyay ku dhawaan 1,000 (kun) Qoys, waxayna raashinkaasi isugu jireen bur, bariis, saliid iyo qasacado kalluun ah,
Qaybinta deeqdan muwaacinada ah ayaa waxaa gacan weyn ka geystay ururka bisha Cas ee Maamulka Puntland, iyadoo goobtii raashin qaybinta ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socotay hay’adda ka hortagga musiibooyinka ee Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo madax kale, waxaana ay ku soo dhamaatay sidii loogu talagalay.
Guddoomiyaha ururka Bisha Cas ee Puntland Max’ud Ismaaciil Timo-jilic oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in raashinka la gaarsiiyay ilaa kun qof oo ah dadka danyarta ah ee ku nool xaafadaha magaalada Garoowe, isagoo intaa ku daray in ay rajeynayaan in kaalmo kuwan la mid ah ay u qaybiyaan qoysaska kale ee aan maanta gar gaarkaasi helin.
Dowladda Iiraan waxa ay ka midtahay dowladaha u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed, iyagoo weli u taagan howlwadeenada Dalka Iiraan taakuleynta walaalahood Soomaaliyeed.
Source: SONNA
↧
Hay’adda Bisha cas ee Iiraan oo deeq raashin ah ka qaybisay Garoowe
↧