Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Ciidamada Dowladda Itoobiya oo weeraro culus kala kulmay Xoogaga Al Shabaab

$
0
0

Dagaalo culus ayaa waxay Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo Xoogaga Shabaab ay ku dhex mareyn meel u dhaxeyso Gobolada Baay iyo Bakool, waxaana ka dhashay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.
Xilli Ciidamada Itoobiya ay ku sii jeedeen Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, ayna ka yimaadeen Degmada Yurkud ee Gobolka Bakool, ayaa waxaa wadada u galay Ciidamada Al Shabaab.
Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa waxay dagaalo culus oo qorsheysnaa ay kala kulmeyn Ciidamada Ururka Al Shabaab, waxayna goobahaasi ay ku dagaalamayeen muddo dhan hal saac oo xiriir ah.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaladaan ay ku dhinteen ilaa toddobo askari oo laba dhinac ah, iyadoo sidoo kalana ay ku dhaawacmeyn ilaa 10 askari oo labada dhinac ah, sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Gobolka Baay.
Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in inta u dhaxeysa deegaanka Yurkud iyo Bardaale ee Gobolka Baay ay jidka ugu galeen Ciidamo Itoobiyaan ah, dagaalna uu ku dhex maray.
Abuu Muscab ayaa wuxuu ka gaabsaday in uu faah faahin sax ah uu ka bixiyo dagaalada khasaaraha badan dhaliyay ee labada dhinac goobtaasi ku dhex maray,


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>