Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dagaalo faraha looga gubtay oo ka dhacay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Afgooye

$
0
0

Dagaalo faraha looga gubtay ayaa waxay xalay ka dhaceen inta u dhaxeyso Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dagaaladu ay geysteen khasaarooyin kala duwan.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom oo fariisimo ku leh agagaaraha Deegaanka Xaawo Cabdi, ayaa waxaa weeraro xoogan ku soo qaaday Ciidamada Ururka Al Shabaab.
Dagaaladaan ayaa waxay labada dhinac ay isku adeegsadeen noocyada kala duwan ee hubka, waxaana dhawaqa hubka cul culus si weyn looga maqlaayay dhamaanba Deegaanada loo barakacay.
Dagaaladaan oo u muuqday kuwo ay Shabaabku soo qorsheeyeen ayaa waxay xalay ku xanuujiyeen Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, oo la sheegay inaysan xalay fileyn weerarada noocaasoo kala ah.
Shacabka ku dhaqan Deegaanka Xaawo Cabdi ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in dagaaladaan ay geysteen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray labada dhinac, hase ahaatee waxaa aad u adag in faah faahin rasmi ah laga helo khasaaraha dhabta ah ee dagaaladaasi labada dhinac ka soo kala gaaray.
Saraakiisha Dowladda, Amsom iyo kuwa Al Shabaab ayaan weli ka hadlin dagaaladii xooganaa ee xalay ku dhex maray wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>