Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Hargeysa: Wasiir Xalay Kala Xidhay Jidka Wadnaha Caasimada

$
0
0

Wasiir ka mid ah xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay dhex tamashlaynayey suuqa Magaaladda Hargeysa, ayaa ku kacay fal dadkii arkayey ama maqlay la yaabeen.
Wasiirkan oo ka mid ah xubnaha ugu caansan golaha Wasiirrada xukuumadda Somaliland ee shacabku aanay Magaciisa iloobin, maalmahana warbaahinta la iska arko aad u mashquuliyey, ayaa shalay makhribkii gaadhi uu watay waxa uu muddo kala xidhay jidka Wadnaha ee Caasimadda Hargeysa.
Wasiirkan oo gaadhiga uu watay ay kuraastiisa dambe saarnaayeen qaar ka mid ah ilaaladiisa, ayaa mar kaliya lagu war-helay isaga oo gaadhigii ka soo deggay oo hanjabaad iyo faro taag-taag isku raacinaya dirawalka gaadhi taagnaa jidka Wadnaha Hargeysa, kaasi oo u jeeday ama u socday xaafada jig-jiga yar.
Goobtu waxay ahayd Jidka Wadnaha Hargeysa, gaar ahaan fooqa Kayse Bushaaro ee dhanka bariga ka xigga xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, oo wakhtigaasi ay marayeen gaadiid tiro badan oo labada haad qayba dhinac u jeeday.
Gaadiidkii dadwaynaha ee jidkaasi marayey ayaa mar kaliya wadda hakaday ka dib markii gaadhiga wasiirku bidh-bidhaha u ritay dhanka Kayse Bushaaro oo uu doonayey inuu ku baydho, balse Wasiirkaasi oo gaadhiga gacanta ku hayey ayaa si uu u helo meel uu ka laabi karo, waxa uu soo qabsaday labada haad ka dhanka Midigta ama galbeedka xigga, isaga oo rajaynayey in gaadhiga jidkaasi ku soo jiraa sugi doono inta uu laabanayo, balse gaadhigii uu jidka ka qabsaday si uu u laabo oo aad ugu soo dhawaaday ayuu Wasiirkaasi ka cadhooday, taasina waxay keentay inuu isaga oo gaadhigii labada haad dhexdooda taagan yahay oo ay labadii haadba xaniban yihiin uu ka soo deggo gaadhiga ka dibna uu dirawalkii gaadhiga ku soo dhawaaday markii uu waddada ka qabsaday uu isku raaciyo hadalo isugu jiray hanjabaad, aflagaado iyo faro-taag-taag wada jira, taasi oo ay aad ula yaabeen dadkii halkaasi marayey iyo kuwii jidka laga xanibayba.
Jidka oo xanibnaa muddo daqiiqado ah ayaa waxa Wasiirkaasi iyo dirawalka gaadhiga kale isugu soo ururay dadwayne tiro badan, kuwaasi oo la yaabanaa sida uu u dhaqmayo Wasiir Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geell-jire.

 
Hargeysa Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>