Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dowladda Maraykanka oo liiska arggaaxisada ku dartay Abuu Mansuur Al Amiiki

$
0
0

Dowladda Maraykanka oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheyd Cumar Xamaami, balse isu magacaabay Abuu Mansuur Al Amriiki, ayaa waxay ku dartay liiska argagaxisada.
FBI-da Maraykanka ayaa waxay xaqiijisay in Dowladda Maraykanka ay liiska argagaxisada ku dartay Cumar Xamaami, oo ku dhashay dalka Maraykanka, asal ahaana ka soo jeeda dalka Yemen.
Abuu Mansuur Al Amriiki oo ka mid ah Saraakiisha ugu sar sareysa Al Qaacidada Soomaaliya, ayaa waxay Dowladda Maraykanka ay si cad ugu dartay xubnaha Al Qaacida, ee ay doon dooneyso.
Abuu Mansuur ayaa wuxuu xillgaan uu jirsaday da’da 28 sano jir, wuxuuna ku wanaagsan yahay dhinaca hawl gelinta dagaalada iyo tababarida Ciidamada Militariga ee kooxaha argagaxisada.
Al Amriiki ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab uu ku soo biiray sanadkii 2006-dii, markaasii ay dalka inta badan ay gacanta ku hayeen Xoogagii Maxkamadaha Islaamiga ahaa, oo markii dambe fashilmay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>