Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dagaalo khasaaro badan geystay oo ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha

$
0
0

Muddo kadib Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Al Shabaab ayaa waxay iskaga hor yimaadeen dagaalo culus, kaasoo ku dhex maray Deegaanka Ceelasha Biyaha.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee fariisimaha ku leh Baar Al Nasri 3 ayaa waxaa xalay weeraro qaraar ku soo qaaday Ciidamada Xarakada Al Shabaab, oo ku hubeysnaa noocyada kala duwan ee hubka.
Jugta sawaxanka hubka cul culus ayaa waxaa xalay si weyn looga maqlaayay Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Deegaanada kale ee ku teedsan, iyadoo shacabka ku dhaqan ay ku beereyn baqdin xoogan.
Dagaalada ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen 7 ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa dagaaladaan kaga dhintay 4 askari, halka mid kalana uu ka dhaawacmay.
Ciidamada Al Shabaab ayaa waxaa dagaaladaan looga dilay 3 askari, halka 4 kalana ay kaga dhaawacmeyn, sida ay maanta Warbaahinta u sheegeen shacabka ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dagaaladaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles