Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Wasiir ka tirsan Dowlada Kenya oo xabsiga loo taxaabay

$
0
0

Josephat Nanok wasiir kuxigeenka wasaarada duur joogta ee waddankaKenyaayaa xabsi ku jira 12-kii saac ee lasoo dhaafay waxaana xarigiisa kasoo baxaya faah faahino kala duwan.
Jimcihii shalay ayaa la sheegay in ciidamo NS-ta loo yaqaano ama dhar cadka ayaa ka waday wasiirka xilli uu ka qeyb galayey barnaamij si toos ah uga baxayey Tv-ga qarankaKenyaee ntv.
Wariye katirsan Capital Fm ee Nairobi ka howlgasha ayaa sheegaya in Josephat Nanok loo heysto bayaan uu kasoo saaray amar ciidamo loogu diray deegaanka Sanbuuru oo dad dhawaan lagu xasuuqay kana soo horjeestay.
Josephat Nanok ayaa sidoo kale waxa la sheegay inuu xalay ku hoyday xabsiga shalay loo taxaabay taasi oo warbaahintaKenyamaanta si weyn uhadal heyso.
Josephat Nanok oo ah xildhibaan katirsan baarlamaankaKenyamarka laga soo tago xilka wasiir kuxigeen uu ku magacaaban yahay ayaa waxa uu sheegay inuusan ka hari doonin qolyaha xariga ugeystay.
NTV oo ah shaashad si weyn udaawadaan waddankaKenyashacabkeeda ayaa waxa uu baahiyey xariga loogeystay Josephat Nanok wasiir kuxigeenka wasaarada duur joogta ee waddankaKenya.
Dawlada Kenya Taliskeeda qaabilsan dabagalka iyo la socodka dambi baarista ayaa waxay sheegeen inay si aad ah udoon doonayeen mas’uulkaan xabsiga loo taxaabay dhawaana maxkamad lasoo taagi doono.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>