Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Maamulka Gobolka Hiiraan oo maanta looga dhawaaqayo Beledweyn iyo Banaan bax lagu taageerayo oo ka dhici doona

$
0
0

Maamul ayaa lagu wadaa in maanta loogaga dhawaaqo Magaalada B/weyn. kaasoo noqon doona Maamulka Guud ee Gobolka Hiiraan uu yeelanayo, iyadoo banaan bax lagu taageerayo Maamulkaas uu ka dhici doono Xarunta Gobolka.
Xubnaha Wafdiga ee Wasiirada iyo Xildhibaanada ku sugan Magaalada Beledweyn ayaa shalay soo bandhigay Hab dhismeedka Maamulka cusub ee Gobolka, waxaana lagu saleeyay habka awood qeybsiga Beelaha Gobolka dega.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Mr Dhicisow ayaa sheegay in dhamaan Beelaha Gobolka ay ku qanciyeen dhismaha Maamulka, isla markaana maanta si kama dambeys ah ay uga dhawaaqi doonaan, si loo hirgeliyo qorshaha ku wajahan Gobolka sidii Al-Shabaab looga saari lahaa
“Dhamaan Beeluhu wey ku qanceen, hadana waxaan soo bandhignay hab dhismeedkii maamulka, sidaas darteed waxaanu dooneynaa inaan ku dhawaaqno”ayuu yiri Wasiirka Macdanta iyo Biyaha.
Maalinimadii shalay ayay aheyd markii Xubnaha wafdiga ay soo bandhigeen qaab dhismeedka Maamulkan, waxaana dadka deegaanka ay rajo ka muujiyeen maamulkaas inuu noqon doono mid wax ka bedela xaalada Gobolka.
Banaan bax ballaaran ayaa la filayaa inuu ka dhaco Xarunta Gobolka, kaasoo qeybaha bulshada ay ka qeyb galeen, iyadoo ammaanka Magaalada saaka si aad ah loo adkeeyay, maadaama banaan baxa qaban qaabadiisu ay bilaabatay.
Laakiin Maamulka Dooxada Shabelle oo sheeganaya inuu maamulayo Magaalada Beledweyn iyo Gobolka Hiiraan ayaa ku doodaya in Maamulkooda u howl galayo hab waafaqsan sharciga iyo axdi qarameedka, maadaama Dastuurka uu qabo federaal iyo Maamul Goboleedyo.
Ma cada sida Maamulkan cusub ee maanta lagu dhawaaqayo ay ugu qanci doonaan dhinacyada Magaalada ku wada sugan iyo qeybaha bulshada, waxaana arrintan imaaneysa xilli wada hadalo marba caqabado ku imaanayay ay wadeen xubnaha Wafdiga ee Dowladda ka socda, kuwaas oo todobaadkii la soo dhaafay tagay Magaalada B/weyn.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>