Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Soomaalida kunool Dalka Switezrland oo saameyn weyn ku yeelan doonto go’aan kasoo baxay Dowlada Dalkaasi

$
0
0

Aqalka Sare ee Dalka Switzerland ayaa Maalintii shalay eheed waxa uu meel mariyay Mooshin ay horkeeneen Xisbiyada SVP, FDP und CVP oo lagula Macaamilo Doono Dadkaasi heysta Deganaashaha aan rasmiga eheen ee ku Nool Dalka Switzerland.
Qaraarkaan dhanka Safarka ah oo ay daraad gaartay Dowlada Switzerland ayaa si aad ah waxa uu u saameyn doonaa Qaxootiga Soomaalida ee ku noool Dalkan Switzerland, Maxaa yeelay Soomaalida ayaa ah Qowmiyada ugu badan oo heysata Sharciga Haatan la Adkeeyay ee F-ta loo Yaqaan.
Balse Dowlada Switzerland ayaa go’aan Rasmi ah waxa ay ku Gaartay in Marka la gaaro 1-da Bisha December oo ay Laba Todobaad Inaga Xigaan uu dhaqan gali doono Go’aanka lagu Xakameynayo Socdaalka ay sameen jireen dadka Qaxootiga ah ee Heysta Sharciga F-ta ee (Vorläufig aufgenommene) oo ay Tiradooda Gaareyso 23’000 qof.
Marka la Gaaro 1-da Bisha December Waaxda Socdaalka ee Dalkan Switzerland ayaa bilaabi doono in ay su’aalo weydiiyaan qofka heysta Sharciga Vorläufiga ama F-ta si loo ogaado Sabata iyo Halka uu Socdaalayo.
Dowlada waxa ay sheegtay in qofka heysta sharciga F-ta ee Doonayo in uu ka baxo Dalkan Switzerland uu la yimaado sababo Macquul ah oo loogu ogolaan doono in uu Safro.
Maxey yihiin Sababaha Laga Rabo Qofka Heysta Sharciga F-ta ee Doonayo in uu ka baxo Gudaha Dalka Switzerland.

1- Hadii qofka Joogo Dalkan Switzerland ay Qoyskiisa Geeri Gasho Lana yimaado cadeymo Muujinayo Geeridaasi Waa uu Bixi karaa.
2. Hadii uu Jiro Xanuun la soo Gudboonaaday xubin ka tisan qoyskiisa lana yimaado Cadeyn Rasmi ah sidoo kale isna Waa uu Safri karaa.
3. Qodobka 3aad ayaa ah in qofka Heysta F-ta ee (Vorläufig aufgenommene)Dalkan Switzerland loo ogolyahay Sanadkii in uu 1 mar Safro oo weliba Waajibaadkiisa ku soo dhameystaa Mudo 30 Maalmood ah.
Dadka Heysta Sharciga F-ta (Vorläufig aufgenommene) Mudo 3 Sano ah Switzerland ku noola hadii ay Sameeyeen Isdhax Gal Bulsho waxa ayagu sidoo kale Mari doonaan Sharuudahaasi kor ku xusan Balse waxaa u sii dheer in ay Eheladooda Booqdaan hadii ay joogaan meel ka baxsan Dalka Switzerland.
Maarso sanadkii 2010-ka ayay eheed Markii ay Dowlada Switzerland Bilaawday in ay Sharci socdaal siiso Dadka Heysta Sharciga F-ta loo yaqaan , inkastoo Dowlada Switzerland ay horey ugu eedeeysay dadka heysta sharciga F-ta ee la siiyay sharciga socdaal in ay qaab dalxiis ahaan ay dib ugu Laabteen wadamadii ay ka yimaadeen, halka qaar kale iyagana lagu eedeeyay in ayba ku xadgudbeen isticmaalka sharcigaasi taasi ayaana dhalisay in haatan arintaasi laga fadhiisto oo go’aam Rasmi ah laga gaaro.
Qaar ka tirsan Soomaalida Switzerland ayaa sheegay in Go’aankaan Shalay ka soo baxay Dowlada Switzerland uu yahay Mid ay Aad ugu xumaadeen kana Codsanayaan Dowlada Switzerland in ay Dib ugu laabato.
Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com
Bern-Switzerland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>