Colonel Cabdullaahi Cabdi Maxamud (Alkey) oo katirsan Saraakiisha Maamulka u sameyneyso goballada Jubbooyinka , deganna magaalada Doolow ee katirsan gobalka Gedo ayaa ka codsaday dowladafederalka Somalia iney wax kaqabato dhibaato uu sheegay in maamulka kajiro degmada Dollow Somalia uu u geysto dadka deegaanka.
Colonel Cabdullahi Alkey oo katirsanaa Saraakiishii Ciidamada Somalia,ayaasheegay in horaantiibishii September ee sanadkaan uu booqosho kutagay degmada Doloow oo uu daganyahay balsew uxuu sheegay in markii uu halkas gaaray uu dhibaato kala kulmay maamulka ka taliyo degmadaas.
“WaxaantagayDolow, anigoo usocday qoyskeyga oo degan doolow, markii aan tagay, ayaa la ixiray iyadoo aanan la ii sheegin wax sabab ah”ayuu yiri Sargaalkan oo tilmaamay in ciidamada xiray ay ahaayen kuwa maamulka magaalada, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri
“Markii la ixiray, ayaa habeenkii saqdiidhexe mar ay aheyd waxey igala baxeen xabsiga ciidamii I xiray, ayagoona igaxiray indhaha kadibna I geeyay meel kabaxsan magaalada, xarig ayey gacmaha iyo lugaha iiga xireen kadibna geed ayay iga soo laalaadiyeen, weyna I jirdileen ilaa aan markiidanbe aan ka miirdoorsoomay “Suuxay”, ayuusheegay Col. CabdullahiAlkey.
Waxaa uusheegay in Wasiirkii hore ee Arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/Samad MacalinMaxamuud uu ka warhelay arrintaas, kunaqasbay maamulka magaalada Doolow, ineysideg-deg ah ii siidayaan.
“Markiiuu Wasiirka amarkaas bixiyay, ayaa anigoo 10 cisho xiran, dhaawacyo culusna qaba, ayaa waxaa xabsiga igu yimid gudoomiyaha degmada C/Rashiid Xasan Cabdi-nuur “Janan” wuxuuna igu amray inaan magaalada kabaxo, asagoona ii sheegay in la idili doono hadii aan dib u soolaabto”.
Wuxuu intaas ku daray in baabuur uu lahaa oo ay sarnayeen dabley hubeysan looga soo saaray magalada ayna keeneen meel udhow magalada Baled Xaawo ee isla gobalka Gedo.
Col. Cabdullahi oo haatan arrimo caafimaad ujooga dalka Kenya, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isulwasaaraha, Gudoomiyaha barlamaanka iyodhamaan xukumada iney wax ka qabtaan dhibaatooyinka bini’aadanimo ee maamulka degmada Doolow uu kuhayo shacabka deegaanka.
Sidoo kale wuxuu cabasho udiray dowlada Itoobiya oo uu sheegay in magaceeda uumaamulkaas dadka degaanka ku dhibaateeyo.
Ugudanbayntii Col. Abdullahi Alkey, ayaa sheegay inuu doonayo inuu kulaabto deegaankiisa, hase ahaate uusan kulaaban Karin arrimo xagga amaanka ah dartood, isagoo carababay in ay jiraan dad kale oo sidiisa oo kale laga soo ceyriyay degaankaas.
Magaalada Dolow ee gobolka Gedo, ayaa waxaa kajiro maamul ka arriminayay deegaankaas ilaa wakhtigii uu madaxweynaha ka ahaa dalka AHN Col. C/lahiYuusuf Axmed.
↧
Daawo Sawirada:Dowlada oo laga codsaday ın wax kaqabato Dhıbaatooyınka maamulka Ugeysto Shacabka Dolow
↧