Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Magaalada Muqdisho oo lagu toogtay laba ka mid ah Ciidamada Al Shabaab

$
0
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay dileen oo ay toogteen laba ka mid ah Ciidamada Al Shabaab, ee dilalka qorsheysan ka geysanaaya Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Dowladda Soomaaliy ee ku sugan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay ka shakiyeen laba nin oo dhalinyaro ah, oo uu socodkoodu uu ku batay Xaafada Carafaat ee Degmada Yaaqshiid.
Ciidamada Dowladda ayaa waxay in muddo kadib markii uu socodkoodu uu batay raggaasi ku furay rasaasta ay Soomaalidu u taqaano baas, waxayna keentay in raggaasi ay goobtaasi ku dhintaan.
Labadaasi nin ayaa waxaa laga helay laba bistoolado oo ay wateen oo la sheegay inay ku fulin jireyn dilalka qorsheysan, balse xalay iyaga lagu dilay dil lama filaan ah.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xilliyada qaarkood ay si kedis ah ay ku dilaan ragga Shabaab ka tirsan, marka Ciidamada Dowladda ay ka shakiyaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>