Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Al Shabaab oo ka hadashay weeraro madaafiic ah ay ku weerartay Magaalada Kismaayo oo qal qal geliyay Ciidamada Kenya

$
0
0

Xoogaga Shabaab ayaa waxay markale ay madaafiic xoogan ay ku weerareyn duleedka Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose, iyagoo markaasi qal qal geliyay Ciidamada Dowladda Kenya.
Ciidamada Dowladda Kenya ee ku sugan agagaaraha Garoonka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa xalay weeraro culus ku soo qaaday Ciidamada Ururka Al Shabaab, oo iyagu xalay dareen ku beeray Ciidamada Kenya.
Xoogaga Shabaab ayaa waxay madaafiicda ridada dheer ay xalay ku soo weerareyn duleedka Magaalada Kismaayo, gaar ahaan dhinaca ku dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.
Sheekh C/Laahi Abuu Xasaan oo ka mid ah Saraakiisha Ururka AL Shabaab ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu sheegay inay xalay xaalad culus ay geliyeen Ciidamada Dowladda Kenya ee duleedka Magaalada Kismaayo ku sugan.
Sheekh C/Laahi Abuu Xasaan ayaa wuxuu sheegay in uu qorshahoodu uu yahay inay hurdada u diidaan Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya, oo uu ku eedeeyay inay ku soo gardaroodeen Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.
Xoogaga Shabaab ayaa waxay habeenkii labad ay weeraro ku soo qaadeen duleedka Magaalada Kismaayo, iyagoo welibana sheegay inay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Ciidamada Kenya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>