Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Ciidamo Dhac geysanayay oo la qabtay waxii ay dhaceena laga celiyay

$
0
0

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay askar katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo dhac u geysanayay gaadiid ay saaran yihiin dad shacab ah oo ku safrayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhaba.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa howlgalkaan sameeyay gelinkii dambe ee shalay ka dib markii ay ka warheleen inay jiraan askar ka tirsan Dowlada oo dhac ka geysanaysa halkaasi.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowlada Soomaaliya oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dadkaan la qabtay ay gaarayeen 10 ruux kuwaasi oo ku labisnaa dareeska ciidamada Dowlada Soomaaliya,waxaana la sheegay in la gaarsiiyay Muqdisho si maxkamad loogu soo taago.
Sidoo kale ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa howlgalkaan ka sameeyay inta u dhaxaysa deegaanka Leego iyo Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxaana saraakiisha ciidamada Dowlada ay sheegeen in dadkii rakaabka ahaa ay usoo celiyeen agabkii laga dhacay.
“Howl galkan wuxuu ku dhacay sidii loo qorsheeyey waxaana ka fulinay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo aan ku soo qabanay dad tobaneeyo ruux ah oo qaarkood ay labisnaayeen dareyska Ciidammada, kuwana waxey wateen dhar shacab ayaga iyo hubkii ay dadka ku dhacayeen waan heynaa waxaana la horgeynayaa Cadaalladda”ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada ee hogaamineysa howl galka.
Sarkaalka ayaa sheegay inay sii wadayaan howlgalka lagula dagaalamayo dadka wata dareeska ciidamada Dowlada ee dhaca ka geysanaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhaba.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>