Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Degmada Labaad oo Alshabaab ay ka joogaan Gedo oo maanta loo qalabqaatay

$
0
0

Wararka ayaa ka helayno deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan maanta uu ka jiro degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.
Ciidamada Dowlada Ethiopia ee ku sugan Gobolka Gedo iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay ka dhaqaaqeen deegaano katirsan Gobolka Gedo ,iyaga oo kusii jeeda Degmada Labaad ee Alshabaab ay ka joogaan Gobolkasi.
Alshabaab ayaa waxay Gobolka Gedo kaga sugan yihiin labo degmo oo kala ah Degmada Baardheere iyo Buurdhuubo,waxaana ciidamada Dowlada Soomaaliya ay maanta ku wajahan yihiin degmada Buurdhuubo.
Ciidamada Ethiopia ayaa waxay wataan hub ka cul culus  iyo kuwa goobta iyadoo sidoo kale ay jiidayaan hubka ridada dheer ,waxaana la sheegayaa inay qorsheynayaan la wareegida degmadaasi.
Wakiilka Alshabaab ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ugu baaqay inay difaacaan degmada iyo deegaanada kale ee ka tirsan Gobolkaasi Gedo.
la soco waxii kusoo kordhaa dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka taagan degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>