Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga Ciidanka La Siinayo Tarajooyinka Kala Saraynta

$
0
0

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga ay Ciidamadeeda siinayso darajooyinka kala saraynta oo tan iyo intii ay Somaliland jirtay la sugayey, isla markaana ay hadal haynteedu socotay bilihii ugu dambeeyey
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaji Cali Cadami oo la hadlay Telefishanka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay inay tarajooyinka bixin doonaan 15-ka December 2012  oo laga keeni doono dalka itoobiya, waxaanuu yidhi “Darajadii Ciidammadda kala duwan ee dalka way soo dhammaatay waxa laga keenayaa dalka Itoobiya 15-ka Bisha December ee fooda inagu soo haysa. Wasaaradda Gaashaan-dhiga Itoobiya ayaanu u dirnay laba sarkaal oo soo qaadaya, Wasaaradda Gaashaan-dhiga Itoobiya ayaanu ka dalbanay inay inoo samayso darajooyinka Ciidammadeena oo dhamaystiran. Waxaana inoo samaysay Warshad ku taalla Itoobiya, Qeybta Darajooyinkeena ciidammaddeenu waxay qaadan doontaa illaa 15-ka January 2013-ka. Waana hawl muhiim ah oo qaran ahaan aynu qabsanay oo mudnaanteeda leh,”
 Hargeysa Somaliland
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>