Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyeen in Hal todobaad uu ka hadhsan yahay maalinta si rasimiya ay bilaabmayso Codbixinta Doorsahda, sidaasina waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay xarunta dhaxe ee Komishanka Doorashooyinka, waxaanuu u dhignaa sidan:-
“ Guddida Doorashooyinka Qaranku (GDQ) wuxuu ku dhawaaqay maanta oo ay bishu tahay Noofamber 21-keedii in doorashadii dawladaha hoose ee 2012 ka hadhay hal usbuuc oo kaliya.
Doorashadan Golaha Deegaanka ee 28-ka Noofambar waxaa lagu dooranayaa xubnaha dawladaha hoose ee 21-ka degmo ee guud ahaan Somaliland, kuwaas oo noqon doona xildhibaanada shanta sannadood ee soo socda. Waxa kale oo doorashadu muhiimad u leedahay in ay ka soo baxaan saddexda Xisbi Qaran ee ku tartami doona doorashooyinka Soomaliland 10 sannadood ee soo socda.
GDQ waxay sheegeen inay muhiim tahay in codbixiyayaashu ogaadaan arimaha ku saabsan doorashada iyo sidii sax loogu calaamadin lahaa warqaddaha codbixinta si loo xaqiijiyo inay noqdaan coddad ansaxay
GDQ waxay si faahfaahsan u sharaxeen qodobadan soo socda ee ku saabsan wacyigelinta codbixiyayaasha
1. Codbixintu waxay dhacaysaa maalinta Arbacada bishuna tahay Noofambar 28, 2012.
2. Uma baahnid in aad soo qaadato Warqada Aqoonsiga (ID Card) balse fartaada khad baa la marinayaa. Hal cod wixii ka badanina waa sharci daro
3. Uma codayn kartid ruux kale.
4. Doorashadu waxay leedahay laba ujeedo
a) In la doorto golaha deegaanka ee ku matali lahaa muddada shanta sano ee soo socda, iyo
b) In ay soo baxaan saddexda Xisbi Qaran ee loo ogolaan doono in ay ka qayb qaataan doorashooyinka Somaliland ee tobanka sano ee soo socda
5. Kaliya calaamadi hal murashax hortiisa
6. Si uu codkaagu u dhaqan galo, fadlan hubi in calaamadu aanay dhaafin halka loogu talo galay ee shaxanka afar geeska ah
7. Hadii aad qalad samayso, dib u soo celi warqada codbixinta, qaado mid cusub. Ceebina kuma jirto in aad hubiso in codbixintaadu sax tahay.
8. Hadii aad caawimo u baahato, waydiiso hawlwadeenada goobta
Guddidu waxay soo jeediyeen in loo baahanyahay in codbixiyayaasha Somaliland oo dhami fahmaan dulucda fariintani xambaarsan tahay
Fariimaha ku saabsan codbixinta waxaa bulshada u soo gudbinaya 41 ka mid ah ururadda aan dawliga ahayn (NGOs), iyo macalimiinta Wasaardda Waxbarashada, iyadoo la adeegsanayo masrixiyado , heeso iyo gabayo la duubay cabirayana dulucda fariimaha GDQ. Waxaa kale oo lagu soo bandhigi-doonaa boodhadh, waraaqaha isku laablaabma, iyo waraaqaha xabagta leh oo lagu dhejin doono meelo badan. Masrixiyado wareegaya, fariinta telefoonka gacanta (SMS), Facebook, Twitter iyo maaweelooyin ka dhacaya dariiqyadda ayaa iyana noqon doona habab kale oo loo adeegsan doonaa si loo fidiyo fariimaha codbixiyayaasha
Guddidu waxay ku wargalinayaan codbixiyayaasha doonaya macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida doorashadu u dhacayso inay booqdaan ‘mareegta ’ GDQ http://www.necsomaliland.com
Waxii faahfaahina ee intaas dheeraad waxaa laga helaysaa Xafiiska Wacyigelinta Codbixiyayaasha ee GDQ voter.education@necsomaliland.com waxaa kale ood nagala soo xidhiidhi kartaan Facebook-ga iyo Twitter-kaba.
Hargeysa Somaliland
↧
Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Qodobo Soo Saaray Kana Hadlay Maalinta Ay Dhacayso Codbixintu
↧