Taliska ciidanka Kenya ee gudaha Soomaaliya kula dagaalamaya Xarakada Alshabab ayaa sheegay in labo ka mid ah saraakiishooda hoggaaminaya dagaalka lagu dilay Soomaaliya.
Afhayeenka Milateriga Kenya Col. Cyrus Oguna oo warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa sheegay in labada sarkaal ay noqonayaan kuwii ugu daraja sareeyay ee kaga dhinta howlgalka loogu magac daray Linda Nchi.
Oguna ma uusan sheegin goobta lagu dilay iyo magacyada labada sarkaal.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray inay wiiqeen awooda Alshabab ayna haatan jirin tabar ay weerarro culus kaga fuliyaan gudaha Kenya
“Bishii December ee lasoo dhaafay ugu yaraan 15 weerar oo qaraxyo ah ayay ka geysatay Alshabab gudahad alka Kenya, gaar ahaan degmooyinka Mandera, Wajeer, Gaarisa iyo Dhadhaab oo dhammaantood ku yaalla gobolka Waqooyi Bari.” Ayuu yiri Oguna.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in 22-kii bishan Jannaayo ay ciidamada Kenya la wareegeen deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose ayna halkaas ku dileen tiro ka mid ah xubnaha Alshabab ayna ka furteen afar qori oo Ak-47 ah, qalab isgaarsiin iyo weliba booyad biyaha lagu qaato.
Kenya ayaa ciidammadeeda galisay Koonfurta Soomaaliya bartamihii October ee sannadkii tagay si ay ula dagaalamaan xoogaga Alshabab oo ay Kenya ku eedeeysay inay khatar ku yihiin ammaanka dalkeeda.
↧
Ciidamada Kenya oo taliyayaal sar sare looga dilay gudaha Soomaaliya
↧