Muqdisho (RBC) Afhayeenka ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Muqdisho AMISOM Korneel Paddy Ankunda ayaa sheegay in ay cambaareenayaan dilka agaasimihii Idaacadda Shabeelle Xasan Cusmaan Cabdi Fantaastik oo sabtidii kooxo hubeesan ay ku dileen Muqdisho.
War saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay markii ay maqleen dilka agaasimihii Shabeelle uu ku noqday mid dhexdin ah waxana ugu tacsiyeeneynaa dhamaan suxufiyiinta soomaalida ee ka howlgala Muqdisho.
“Si adag ayaan u cambaareynaynaa dilka wariyaha. Waa fal aan la aqbali karin oo ka dhan ah saxaafadda Soomaaliya iyo xorriyadda hadalka,” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka AMISOM ka soo baxay uu ku saxiixnaa Korneel Paddy Ankunda.
AMISOM ayaa ugu baaqday hey’addaha amaanka dowladda in ay baaraan dilka agaasimihii shabelle ayna soo qaabtaan kooxihii ka dambeeyay dilka Fantaatik.
Dowladda KMG ah ayaa sheegtay in loo qabtay dilka agaasimihii shabeelle afar qof oo labo ka mid ah lagu eedeeyay dilka agaasimaha kuwaas oo hadda ku xiran laanta Xaawo Taako ee degmada wadajir ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio
——————-
Xafiiska Wararka Muqdisho
↧
AMISOM Oo Cambaareeyay Dilka Agaasimihii Shabeelle
↧