Xoogaga Shabaab ayaa waxay sheegteen inay iyagu ka dambeeyeen qaraxyadii maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, oo horey Al Shabaab loogala wareegay.
Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Ururka Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, oo galabta ka hadlay qaraxyadii maanta giil gilay Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu sheegay inay ku halaageen Sarakiil iyo Ciidan badan.
Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in xalay ay qaraxyo cul culus ay ku diyaariyeen goobihii ay maanta qaraxyada ruxeyn, isagoo intaasi ku daray inay tani muujineyso inay weli ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo.
Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu sheegay in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay qaraxii koowaad ee ka dhacay Xaruunta Degmada Kismaayo, halkaasoo uu sheegay inay ku la’deen Saraakiil iyo Ciidan ka tirsan Dowladda.
Qaraxaan ayaa wuxuu sidoo kale uu sheegay in uu si dirqi leh uu uga badbaaday Gudoomiyaha Kmg ee Magaalada Kismaayo C/Laahi Khaldaan, oo isbuucii la soo dhaafayna ay mar ku weerareyn gurigiisa oo ku yaala Xaafada Guulwade ee Magaalada Kismaayo.
Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu Ciidamada Huwanta uu ku eedeeyay inay maanta raaf daran ku sameeyeen shacabka reer Kismaayo, xilli uu sheegay in Ciidamadii Shabaab ee qaraxyada geystay, ay ku sugan yihiin gudaha Magaalada Kismaayo.
↧
Al Shabaab oo sheegtay inay maanta Magaalada Kismaayo ku halaagtay Saraakiil iyo Ciidan badan
↧