Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dhaqdhaaqyo ciidan oo ka bilowday 3-gobol oo ka mid ah kuwa koonfur-galbeed ee dalka Soomaaliya iyo ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali oo u dhaqaaqay

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya gobolada Bakool, Gedo iyo Bay ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoogan labadii maalmood ee tagtay ay halkaasi ka socdeen, kuwaas oo looga gol leeyahay weeraro lagu qaado fariisimada ciidamada Xarakada Al-shabaab ay goboladaasi kaga suganyihiin.
Sida warku sheegayo ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali ayaa la geliyey heegan, iyagoo lagu wargeliyey inay dhaqaaqaan waqti kasta oo loo baahdo, kuwaas oo la doonayo sida muuqata inay weeraro ku qaadaan fariisimaha ay ciidamada Xarakada Al-shabaab kaga suganyihiin gobolka, waxaana la sheegay in ciidamadii ugu horeeyay ay ka dhaqaaqeen gobolka Bay, iyagoo u kala jiheystay gdegmooyinka Buurhakaba iyo Diinsoow, sidaasina waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Bay, inkastoo aan la sheegin wax dagaal ah oo ay la galeen ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Mr. Geesey ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib ula soo noqonayaan degmooyinka gobolka Bay aan gacantiisa ku jirin, waxaana loo maleynayaa in qorshaha duulaankan uu si rasmi ah u bilowdo marka uu Madaxweyne Xasan Sheekh tago magaalada Addis Ababa, inkastoo aan la ogeyn in qorshaha oo dhameystiran ay isku fahmi-doonaan.
Sedexdan gobol ayaa intooda badan waxaa gacanta ku haya Xarakada Al-shabaab oo degmooyinka ay dowladdu iyo ciidamada Itoobiya weeraro joogto ah ku haya, iyadoo ay xusid mudantahay in dhawaan degmada ugu xageysa ee xuduuda ku taala ee Buul-xaawo ay dagaal kula wareegeen ciidamada Al-shabaab, inkastoo ay markii dambe si iskood ah uga baxeen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>