Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dagaalkii Ka Socday Deegaanka Xudun Oo Istaagay Iyo Waararka Hordhaca Ah Ee Ku Saabsan Khasaaraha Ka Dhashay

$
0
0

Dagaalkii saaka ka bilawday deegaanka Xudun ee Gobolka sool ka tirsan, ayaa la soo sheegayaa inuu intaagay ilaa manta duhurkii dambe, kaas oo ay iskaga soo horjeedeen Ciidamada Somaliland iyo khaatumo, isla markaana ay labada dhinacba kala sheegayaan inay guulo ga gaadheen dagaalkaasi oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogayn sida ay wax u jiraan ee rasmiga ah.
Wararka ka imanaya Magaaladda Xuddun ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaalkii maanta halkaasi ku dhex maray Somaliland  Khaatumo uu keenay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, kaas oo ka dhashay doorashada deegaanka Somaliland oo manta looga dareeray guud ahaan Somaliland, ka dibna ay Somaliland doontay inay sanaaduuqda codaynta halkaasi geyso oo ay ka soo horjeesteen khaatumo sidaasina uu dagaalku ku bilawday, waxaana la soo sheegayaa inay ku dhinteen laba askarta Somaliland ah,hlka  laba kalena ka dhinteen  dhinaca Khaatumo.
Sida ay Wararkusheegayaan waxa  dagaalkan la isku addeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana askarta Somaliland ka dhaawactay  la keenay Magaaladda Caynaba ee Gobolka Saraar, si ku meel-gaadh ahna halkaasi loogu daawaynayo, iyadda oo saacadaha soo socda la gayn doono cisbitaalka guud ee Magaaladda Burco, lama xaqiijin tiradda askarta ka dhaawactay ciidamada labada dhinac ee is haya
 
Hargeysa Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>