Xulka Kubadda Cagta ee Soomaaliya oo ka qeyb qaadanaaya Tartamada Koobka Bariga iyo Bartamaha ee Afrika, ayaa waxaa galabta looga adkaaday si naf la caari ah.
Ciyaartoyda Xulka Qaranka ee Soomaaliya ayaa waxay galabta ay Magaalada Kampala kula ciyaareyn Xulka Qaranka ee Suudaan, iyadoo ciyaartu ay ahayd mid aad u xiiso badan.
Ciyaartaan ayaa waxay qeybtii hore ee ciyaartu ku soo idlaatay barbardhac 0-0 ah, nasashada kadib oo ay labada kooxood dib ugu soo laabteen Garoonka, ayaa waxay bilaabeen inay soo bandhigaan ciyaar aad loo jecleysto.
Labada dhinac ayaa waxay heleyn fursado qurux badan oo ay ku sameyn kareyn goolal, hase ahaatee difaacyada oo u muuqday kuwo u diyaarsanaa kulankaan, ayaa waxay taasi keentay in labada dhinac ay ilaa muddo fog ay isu hayaan barbardhac 0-0 ah.
Laakiin saacada markii ay isu taagtay daqiiqadii 85-aad ayaa waxay Qaranka Suudaan ay heleyn goolkii guusha, waxaana u saxiixay xidigooda Maxamed Farid.
Waa kulankii labaad oo xiriir ah oo ka tirsan Tartamada Koobka Bariga iyo Bartamaha ee Afrika, oo laga adkaato Xulka Kubadda Cagta ee Qaranka Soomaaliya.
Soomaaliya oo ku jirta Group B ayaa waxay kulanka seddexaad ay la ciyaari doontaa Xulka Qaranka ee Tanzania, iyadoo labada kooxood ee ugu horeysa ee koobkaan isaga haray ay noqonayaan Qaramada Somaliya iyo Koonfurta Suudaan.
↧
Xulka Qaranka ee Soomaaliya oo galabta looga adkaaday si qiil qiil leh
↧