Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa u soo gaba gaboobay kulankooda caadiga ahaa, iyadoo kulanka maanta looga hadlayay ammaanka iyo dhaqaalaha dalka.
Kulankan oo ay saxaafada dibad joog ka aheyd ayaa waxaa shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, waxaana ugu horeyn diirada lagu saaray waxyaabihii ka qabsoomay go’aankii Madaxweynaha ee ahaa in la qaado isbaarooyinka iyo arrimaha amniga.
Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo gaba gabadii kulankan saxaafada uga warbixyay ayaa sheegay in kulanka Golaha Wasiirada muhiimad gaar ah lagu siiyay arrimaha ammaanka.
“Golaha wasiirada waxyaabaha muhiimka ahaa ee ay ka hadleen nabadgelyada ayaa ka mid ahaa, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha saddex cisho ka hor waxay amar ku bixiyeen in la qaado lixdanka isbaaro ee magaalada taala, maantana waa aragtaa intooda badan 57-ilaa 59 waa la qaaday waxaa la dhihi karaa saddex ilaa hal ayaa dhiman”ayuu yiri C/llaahi Ciilmooge Xirsi.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in la isla gartay in Ciidamo gaar ah (Task Force) la geeyay 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, kuwaasoo uu xusayn in qalabkooda, hubkooda iyo gaadiidkooda u dhameystiran yihiin, si nabadgelyada wax uga qabtaan.
“Waxaa la gaaray in Ciidamo qaas ah (Task Force) xaafadaha ka howl galaan, ammaankana ay adkeeyaan maalin iyo habeen, ciidankaas waa ka madax banaan yihiin ciidamada kale, 100-ciidan oo diyaarsan ayaa la geynayaa degmo kasta, si deg deg ammaanka wax uga qabtaan”ayuu yiri C/llaahi Ciilmooge Xirsi.
Dhinaca kale mar uu ka hadlay qodobka kale ee golaha Wasiirada ambaqaadeen ayuu sheegay in guryaha dowladda laheyd ee la degay wixii ka dambeeyay 1991-dii laga saaro dadka degan.
Wasiirka ayaa sheegay in Golaha wasiirada ay sidoo kale kulankooda diirada ku saaran arrimaha dhaqaalaha, isagoo xusay in Dekeda Muqdisho ay tahay isha dhaqaale ee ugu weyn, isla markaana wixii haatan ka dambeeya lala socdo dhaq dhaqaaqeeda iyo habsami u socodka howlaha ay heyso.
↧
Madaxtooyada Somaliya oo looga dhawaaqay ciidan gaar ah oo loo sameynaayo Degmooyinka Gobolka Banaadir
↧