Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dowlada South Africa Oo Joojisay Gabi ahaanba In Lagu Safro Sharciyada Loo Yaqaano Go Home-ka‏

$
0
0

Mudooyinkee u Dambeysay ayaa Waxaa Yaraa Dhaq dhaqaaqii Socdaalka Ee Soomaalida Ku Nool Wadanka South Africa Ku aadi Jireen Wadanka Soomaaliya Kadib Markii Dowlada South Africa ay Joojisay Sharciyadii ay Ku Bixijireen Dadka Soomaalida ah ee Ku Nool Wadanka South Africa.
Dhalinyaradaan Ayaa Mudooyinkii u Dambeeysay Waxa ay aad Ugu Soo Badaneeyn Magaalooyinka Waa weyn ee Wadanka South Africa Kuwaa oo Doonaya In ay u Socdalaan Wadankooda Soomaaliya,Waxaana Dhlinyardaan aad Uga Dareemeysaa Marka aad Tagto Goobahii Laga Jari Jiray Ticket-yada Oo Ah Mid Albaabada Loo Laabay ,Maadaama Waaxda Socdaalka Dowlada South Africa ay Xayirtay Sharciyadii Hore ee Qaxooxiga Soomaalida ah Ku Safri Jireen Wadankooda
Dhalinyaradaan oo Qaarkood aan Kula Kulmay Magaalada Cape Town ayaa Waxaa ay ii Sheekeen In ay Dhamaan soo Iibsadaan goobahooda Ganacsiga isla Markaana aysan dooneyn In ay Kusii Noolaadaan Wadanka South Africa oo ay Sheekeen In Dhibaatooyin Badan ay Kala Kulmaan Balse Hada ay Wadankooda ay Ka Jirto Nabad iyo Horumar oo ay Doonayaan In ay La Jaan qaadaan Waxaase ay Ka Dhawaajiyeen In ay Caqabad ay Ka Heysto Dhanka Socdaalka.
Sido Kale Ganacsatada Soomaalida ah ee Ku Nool Wadanka South Africa Ayaa Sheegay In Loo Baahan Yahay Dowlada Fadereaalka Soomaaliya ay Arimahaan Wax Ka qabto Ayadoo Waaxda Socdaalka Iyo Xafiiska Qaabilsan Bixinta Sharciyada Ee Ka Codasadeen In Wadanka South Africa ay Ka Furtaan Laamo u qaabilsan Bixinta Sharciyada Maadaama ay Ku Nool Yihiin Soomaali aad u Fara Badan oo Baahi weyn u Qaba Helista Baas boorka Cusub ee Soomaaliga.
Dowlada South Africa Ayaa Joojisay Gabi ahaanba In Lagu Safro Sharciyadii Loo Yaqaanay Go Home-ka oo Inta Badan ay Ku Socdaali Jireen Soomaalida Ku Nool Wadanka South Africa Waxaana War Qoraal Ah Oo Kasoo Baxay Dowlada South Africa Lagu sheegay In Ganacsatado Soomaali ah ay Gudaha Dalka South Africa Ku Sameeyaan Sharciyo Falso ama Been Abuur ah,Ayadoo Arinta Uga Digtay Dadka ay Sheegtay In Lugaha Kula Jiraaan.
Joojinta Sharciyadii Socdaalka Ayaa Waxaa uu Sameeyn weyn Ku Yeeshay Dhalinyarada Soomaalida ah oo Doonaya in Dalkooda Dib Ugu Laabtaan Maadama ay Wadankaan Kala Kulmaan dhibaatooyin Badan oo ay u Dulqaadan Karin Waxaana Dowlada Soomaaliya Ka Sugayaan In Arimahooda ay Wax Ka qabato,
Abdirahmaan Muumin(Codeey)
Codeey9@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles