Wafdi uu horkacayo wasiirka gaashaandhigga dowladda Jabuuti, Mudane C/kariin Max’ed Kaamil ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wasiirka ayaa safarkiisa waxa ku wehlinayay taliyaha nabad sugidda dalka Jabuuti, Mudane Xasan Siciid, abaanduulaha ciidamada dalkaasi, Mudane Sakariye Sheekh Ibraahim iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Jabuuti.
Masuuliyiinta ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay, masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Beledweyne, odoyaal iyo waxgarad kale oo ku dhaqan magaalada Beledweyne.
Source-Hol