Xaafada Towfiiq ee dhinaca degmada Dayniile xigta ayaa waxa caawa qarax xoogan uu kula qarxay Carruur ku ciyaareysay kaasi oo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba kasoo gaaray.
Qaraxa oo ka dhacay halka loo yaqaano Orbit ayaa waxa la sheegay in carruur ay wadada dhinaceeda kasoo qaadeen hoobiye aan qarxin kadib markii dhagax ay ku garaaceen ayuu ku qarxay waxaana ku dhintay labo carruur ah.
Carruurta geeriyootay oo walaalo ahaa ayaa mid gabar ahayd halka labo kalena carruurta dhaawac kasoo gaareen qaraxaasi kuwaasi oo lagu dabiibayo dhaawacooda cusbitaalada muqdisho qaarkood.
Qaraxa oo laga maqlayey Xaafado badan ayaa waxa la sheegay in carruurta geeriyootay oo hooyadood maqneyd meesha laga soo qaaday kuwaasi oo caawa meyd bari ah.
Guri ay meydka carruurtaasi ku jiraan ayaa laga dareemayaa murugo hooyada dhashay labada carruurta ee caawa maqribkii ku geeriyootay qarax ay ku ciyaarayeen iyadoo dad badan oo dariska ahna ku qancinayaan alle inay ugu sabarto dhimashada carruurteeda.
Ma ahan markii ugu horeysay oo magaalada Muqdisho Carruur waxyaabo ay ku ciyaarayeen ku qarxaan iyadoo dhowr jeer sidaan oo kale muqdisho uga dhaceen carruur badana dhimasho iyo dhaaacba kasoo gaareen.
↧
Carruur Caawa ku baaba’day Qarax ay ku ciyaarayeen gudaha magaalada Muqdisho
↧