Waxaan Jaceyl Wadaag Aheyn Wiil aan ifka iska dooranay, jaceylkeena waxa uu gaaray mid lagu kalsooni qabi karo oo kala shaki ma jirin inkastoo carab iyo ilko ay dad isugu dhow yihiin iyagana wey is qaniinaan
Micnaha waxaan ula jeedaa mararka qaar waan isku dhici jirnay in mudo ah ayaa u soo taagneen jaceylkeena oo aan ka ilaali jirnay waxa ay yiraahdaan seddexeeye oo ka kooban mid si gaar ah noo damaaciyo oo aan ula jeedo wiil aniga iga hela iyo jaceylkeyga oo gabar ka hesha arrintaasina waxaan ka gudubnay isku duubni iyo dhan kale oo aan la kulanay isku diraale oo dhexdeena ka shiday dab oo doonaayay inaan kal irdhowno laakiinse ma dhicin nasiib wanaag waxaan adkeenay tiirarka jaceylkeena
Wiilka aan jeclahay inaan isa segi doonno kolna uurkeyga ma gelin Laakiinse habeen ayuu su’aal i weydiiyay oo sheekadeena sidan ayeey u dhacday
Wiilka: Gacaliso maxaa iga qarisay in aad garoob tahay?
Gabadha: Waan Naxay Balse Waan ku Adkeystay in aan Garoob ahayn
Wiilka: Oo Ma Jirta Miyaa?
Gabadha: Ma Jiraan Waa Hadal lagu rabo in dhexdeena colaad loogu abuuro
Wiilka: Waan ku Qancay Lknse Arrintaas Ma Iga Hubtaa
Gabadha: Haa Gacaliye Ha WelWelin
Tuhunkaas Shakiga ah Mudo Ayuu Taagnaa Wiilkii Ayaa Dhoofay oo Ka Baxay Wadanka jaceylkeena Halkaas ayaan kasii Ambaqaadnay Fursad Dhoof ah ayuu ii Helay waxaan isugu Tegnay Wadanka Kenya Oo aan kaga hormaray taariikhda lama ilaawanka kaliftay in aan Garoob noqdo ayaa waxa ay ka Danbeysay kadib Wiil aan walaaltinimo u shekeysan jirnay habeen habeenada ka mid ah Si lama Filaan ah iigu tuntay isaga oo ka faa’iieystay dareenkeyga oo kacay awgiis sidaasna aan ku waayay gabarnimadeyda
Ugu Dabeyntii Halkii waxaa yimid Jaceylkeyga waan kaga sheekeyay wixii dhacay waxa ay ahaataba waxa uu u qaatay in aan arrintaas ku deberaayo tii hore oo shakiga aheyd isagana waxa uu cadeeyay in uusan u baahneyn naag garoob oo been u sheegtay Anna Been uma sheegin Oo xaalka faraha ayuu ka baxay Jaceyl La’aan iyo Niyad Jab Ayaan Qoorta la gelay
FG: Hadda Marwo Ayaan Ahay Laakiinse Taariikhdan Waxaan u Daabacay In Ay ku tusaale Qaataan Gabdhaha Walalahayga Ah iyo Sidoo kale Ragga Qaarkii oo ku dhaqdhaqaaqa Falalka Guracan oo aysan Mudneyn Haweenka Hooyadaa Ah Walaashaa Ah Xaaskaada Ah Waalidna In aad Noqoto Ay Macquul Tahay Haddii rabi ku siiyo Gabar oo Huwan Magac Haween
Yuusuf Carab
Galkacayo, Somalia
carabtaglk@gmail.com
↧
Garoobnimada Miyuu igu Nacay: “Dhacdo Xanuun Badan Aqriso”
↧